Lataliyihii Madaxwayne Siilanyo ee Arimaha Doorashooyinka oo Xilkii iska Casilay, Kana Hadlay Arimo badan oo Xaasaasi ah DAAWO
Hargaysa 12. April 2017 (SDN/QJ):- Lataliyihii Arimaha Doorashooyinka Somaliland ee Madaxwayne Axmed Siilanyo, Siyaasi Cabdilaahi Jawaan Ayaa goordhawayd iska Casilay Xilkii Lataliyaha Madaxwaynaha ee Arimaha Doorashooyinka iyo Xuniminadii Xisbul xaakimka kulmiye.
Siyaasi Cabdilaahi Jawaan ayaa intii uu warbaahinta la hadlayey sheegay in Xikii Madaxwayne Siilaanyo umada ku Aamintay uu dayacan yahay, taas badalkeeda waxa uu sheegay in shaqadii madaxwaynaha loo igmaday uu wasiir Maxamuud Xaashi Cunaha iskaga Duubay, waxana uu intaas ku daray in Dhamaan wasiirada la Mid ka ah Wasiir Xaashi ay isaga ka Amar qaataan oo kuyuu ugu jiraan.
Cabdilaahi Jawaan ayaa Gudiga Komishanka Doorashooyinka Somaliland u soo jeediyey inay Xilka iska casilaan hadii aanay shaqada qaranka, Si dhex dhexaadnimo iyo daacadnimo ah u gudanayn.