Lataliyaha Madaxweynaha oo ka warbixiyay hawlgalka AUSSOM
Muqdisho (QJ) – Lataliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Mudane Xuseen Macalin Maxamuud ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha cusub ee howlgallada Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo dhawaan la filayo in ay si rasmi ah uga howlgalaan Soomaaliya. Hawlgalkan cusub ee AMISOM ayaa ka kooban shan waddan oo kala ah: Jabuuti, Masar, Itoobiya, Kenya, iyo Uganda. Waxaa xusid mudan in Burundi laga saaray howlgalka ka dib markii ay isku fahmi waayeen tirada ciidamada la filayo in ay ku biiraan.
Lataliyaha Amniga Qaranka oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale tilmaamay horumarada la taaban karo ee laga gaaray amniga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Xuseen Macalin Maxamuud ayaa ku nuux nuuxsaday in qorshaha sanadaha soo socda uu yahay in la qalabeeyo Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed si ay u helaan awood ciidan oo dhameystiran, si ay ula wareegaan la dagaalanka kooxaha argagixisada ah ee dhibaatada ku ah dadaalada dowlad dhisidda Soomaaliya.
Howlgalka cusub ayaa waxaa qeyb ka noqon doona ciidamo ka socda dalka Masar, iyadoo tani ay muujineyso isbedel ku yimid qorshihii hore ee looga saaray ciidamada Ethiopia. Isbadalkan ayaa daba socda dadaalo diblumaasiyadeed oo dhawaanahan lagu waday in lagu wanaajiyo xiriirka ka dhaxeeya madaxda Itoobiya iyo Soomaaliya.