Lammaane Waalidkood Isku Diiday Inay Is Guursadaan Oo Rubuc Qarni Ka Hor Oo Haatan Is Guursaday Iyaga Oo 90 Jir Ah!
Pakistan 03. March 2017 (SDN/QJ):- Callafku waa arrin Ilaahay gacantiisa ku jirta inta Adduunka guudkiisa lagu nool yahayna waxa farxad ku wada noolaada lammaanaha is doorta isla markaana isku faraxsan, balse haddii aan callaf jirin way kala fogaadaan haddaba waxa nasiib leh labada lammaane inta ay is doortaan waayuhu kala fogeeyo laakiin callafku isku simo.
Haddaba Dalka Pakisan ayaa waxa dhawaan isku guursaday lammaane 75 sano ka hor is doortay oo waalidka gabadhu uu isku diiday inay is guursadaan, labadan lammaane oo magacyadooda la kala yidhaahdo Qulaam Farriid iyo Xayaata Bi Bi ayaa waxa uu callafku isku simay iyaga oo 90 jir ah.
Waxa aanay go’aansadeen in nolosha inta uga hadhay ay wada noolaadaan oo mid kastaaba ka kale garab taagnaado iyaga oo jaceylkooda ahaa 75 sano ka hor waxaana xilligaasi diiday waalidka dhalay Xayaata Bi Bi, intaasi kadib Farriid iyo jaceylkiisii Xayaata waxay kala mareen labada waddo mid kastaana waxay is guursadeen qof aanu niyada ku hayn, waxaana arrintaasi ku kaliftay labadooda waalid, balse waxay maalmaha iyo sanaduhu is guraan ba waxa uu mid kastaaba yeeshay ubad waxaanay kala noqdeen Awoow iyo Ayeey, Fariid gabadhii uu qabay way geeriyootay sidoo kale Xayaata ninkii qabay ayaa isna geeriyooday, waxaana halkaasi ku soo toosay jaceylkii gaamuuray ee seexday 75 sano ka hor waxaanay xasuusteen noloshii dhallinyarnimada iyo haasaawahoodii wacnaa.
Haddaba, waxa arrintan guurka labadan lammaane ee 90 jirka ah dhexdhexaadinayay oo sabab u ahaa ubadka ay kala dhaleen oo go’aan ku gaadhay inay isku guuriyaan labadooda waalid ee yaraantii isku soo jeclaaday, maadaama oo ay marar aad u fara badan ka maqleen waalidiintooda iyaga oo ka sheekaynaya dhacdooyinkoodi hore, jaceylkaasin waxa uu ku danbeeyay guul iyo guri farxadeed.