Lammaane Ka Soo Kala Jeeda Qoysaska Boqortooyada Cumaan Iyo Japan Oo Is Guursaday
Cuman 25. January 2017 (SDN/QJ):- Amiir ka mid ah Amiirada Dalka Cumaan oo la dhashay Boqorka Dalka Cumaan ee Boqor Suldaan Qaabuus ayaa waxa uu guursaday gabadh uu dhalay mid ka mid ah Amiirada Dalka Japan oo magaciisa la yidhaa Masahiko Vakuda, arrintan ayaa noqotay mid aad u soo jiidatay warbaahinta Caalamka maadaama oo lammaanaha is guursaday ay labadooduba ka soo kala jeedaan Qoysaska ka taliya waddamada Cumaan iyo Japan, taasoo ah arrin aan inta badan dhicin.
Warbixintan oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay barta Liveleak ayaa waxa sidoo kale lagu cadeeyay in xaflada arooskaasi ay ka dhacday gudaha Dalka Cumaan, waxa aanay noqotay arrin ugub ku ah Dalalka ku dhaqma nidaamka Boqortooyada oo aan had iyo jeer loo oggolayn inay ka guursadaan cid ka baxsan Qoyska talada haya.