‘’Lama Dhaafi Karo Qaraarkii Maxkamada Distooriga ah ee Mudada Doorashada’’Gudoomiyaha Maxkamada Sare & Somaliland oo Markii u Horaysay Burinaysa Go’aan Maxkamada Distooriga ahi Soo Saartay
Hargaysa 11.Sep 2016 (SDN/QJ):- Go’aankii Maalmahanba Loo dheg Taagayay ee Madaxweyne Siilaanyo laga Sugayay ayaa Isagu Biyo Shubtay In la Kala Qaado Labada Doorasho ee Isku Lamaanaa ee Madaxtooyada Iyo Wakiiladda lana soo horaysiiyo ta Madaxtooyada Halka Qodobkii Isha Sida Gaarka ah loogu hayay ee Saami Qaybsiga Kuraasta Wakiiladda uu Madaxweyne Siilaanyo sheegay inuu u Magacaabi doono Gudi Qaran.
Hadaba Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa Khamiistii la soo dhaafay sii Cadeeyay in aan la dhaafi karin, isla markaana aanay jirin meel laga maro qaraar Maxkamaddu soo saartay 18 August 2015, kaasoo lagu sharciyeeyey in doorashooyinka Madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada mar la wada qabto marka taariikhdu tahay 28 March 2017. Waxaanu yidhi Gudoomiyaha Maxkmada Sare
“Dhammaan doorashooyinka dalka ka socda oo dhan isha ayaannu ku haynaa (monitoring) oo waxa aad ogaydeen Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa soo afjartay muddo-kordhintii u dambaysay ee la isku mari waayey (sannadkii 2015), iyadana aayana (Maxkamadda Dastuuriga ah) la soo ciirsaday. Sidoo kale sannadkii 2005, khilaafkii ka jiray doorashada Golaha Wakiillada, waxa soo afjaray Maxkamadaha dalka, imminkana hababkan jira oo dhan ee socda, haddii ay tahay hay’adaha kale ee dastuuriga ah iyo haddii ay tahay waddanka oo dhan waannu la soconaa, waana marjac loo soo noqonayo oo qaraar hore oo Maxkamadeed ayaa yaal oo aanay jirin meel laga dhaafo (qaraarka lagu caddeeyey in doorashooyinku qabsoomaan 28 March 2017), loona soo noqon doono, dusha ayaanan kala soconaa, markaa Garsoorku waa hay’ad nool oo dib u soo noolaatay, awoodaheediina awoodo badan la soo noqotay, lana socota xaalad kasta oo ka jrta dalka Somaliland,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland. ayuu yidhi Aadan Xaaji Cali.
Si kastaba ha ahaatee Somaliland oo Mudo 25 Sanno ah iyo dheeraad Jirtay ayaa Waxay Noqonaysaa Qadiyadani in Markii Kowaad uu Madaxweyne Buriyo Go’aan Tafsiir oo Maxkamada Distooriga ahi ku Idlaysay Garnaq Khilaaf Siyaasi ah oo Dalka ka taagnaa.