Lakhdar Brahimi oo sheegay in dalka Siiriya uu ka liito dalka Soomaaliya (Warbixin)
BrusselsMarch 12 2013 (SDN)– Ergayga gaarka ah ee QM iyo Jaamacada Carabta uqaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay inay kasii darayso xaalada dalka Siiriya.
Isagoo ka qeybgalaayay kulanka wasiirada arimaha dibadda Yurub Wakiilka QM iyo Jaamacad Carabta ee Siiriya Lakhdar Brahimi ayuu sheegay in hadii ay fashilmaan qorshayaasha nabadeynta Siiriya dalkaas uu noqon doono wadan ka liita Soomaaliya .
“Waxaan u aqoonsan karnaa dhibaatada ugu xun ee hada aduunka ka jirat oo Soomaaliyaba ka daran xaalada Siiriya maadaama dadka dalka u dhashay ay ka naxsan yihiin dagaalada 2-sano sii dhaafaya ee sioiriya ka socda” Lakhdar Brahimi .
Sidoo kale ergayga QM iyo Jamaacad Carabta u qaabisan arimaha siiriya ayaa tilmamaay in haatan Soomaliya aan quus looga joogin sida Siiriya oo akle islamarkaana ay xal u la’ yihiin rabshada wali ka taagan dalka Siiriya.
Markasta oo laga hadlaayo xaalada ugu xun ee dal uu marayo ayaa waxaa caadi noqoray in tusaale loosoo qaato wadanka Soomaliya oo mudo badan dagaal ku jiray.
SDN-Brussels