|

Lafo-gurka Siyaasad Horleh Oo Boqorka Cusub Ee Sucuudigu Ku Wajahayo Bariga Dhexe Iyo Waagii Ikhwaanka Oo Mardambe Dib U Beryi Doona

Riyad:Mar,14,2015(SDN/QJ)-Isbeddel dhinaca siyaasadda ah, ayaa laga dareemayaa Dalalka Bariga dhexe oo intooda badan ay siyaasadooda Go’aamiyaan Dalalka Sucuudiga iyo Masar oo ah Labada Dawladood Carabta inta Badan Horbooda.

??????????????????Waxey aheed 2011 markuu bilowday kacdoonii carabta ee loogu magacdaray GUGA CARBEED kacdoonkaas waxuu ka dhacay dalal badan sida Tuunis, Masar, Liibiya, Suuriya, Yaman  iyo Ciraaq waxaana hubaal ah hadii aan laga hortagi laheyn oo aan la fashilinin sida ka dhacdayba Masar iyo dalalka kalaba  in uu gaadhi lahaa kacdoonkaas dalalka carabta oo ay boqorradu  ka taliyaan .

Dowladaha  khaliijka  ee nidaamka boqortooyada ah ayaa u baqay xukunkooda ka dib markay ku soo baxeen kacdoonadii carabta badankooda islaamiyiin, siiba ururka Akhwaanu Muslimiinka.

Waxeyna is tuseen hadeynaan si dhakhso ah uga hortagin kacdoonadan Akhwaanku eey horboodayaan in loo yaabo boqortooyadooda si fududna ku soo gaari doono kacdoonka.

Dowladaha khaliijka waxey ku guuleysteen in ay ka hortagaan kacdoonkii carabta ee ay hogaanka u hayeen islaamiyiinta iyagoo ku kiciyay kacdoon rogaal celis ah waxeyna ku guuleysteen in xukunka Masar la wareegaan ciidanka milatariga , DalkaTuunisna islaamiyiintii iska dhiibaan xukunka dalka markay qiimeeyeen xaalku siduu ku socdo , halka Liibiya ay taageereen Ganaraal Xaftar oo ah generaal howlgab ah  kadib  markii eey arkeen in islaamiyiintu xukunka la wareegeen.

Meesha  Dalka Suuriya doontii kacdoonka markii ay Daacish soo fuushay   sheekadii ay  isu badashay in lala diriro islaamiyiinta jihaadiga ah  halkii nidaamka Bashaar-alasad  laga ridi lahaa  taas oo keentay in  uu xoogeysto  nidaamkiisa.

Yaman ayaduna intii akhwaanka laga waardiyeynayay xukunka dalka  kacdoonkii dhacay ka dib waxey keentay in xukunkii ay la wareegaan niman ZEYDI shiico ah  akhwaankana ka khatar badan.

Ciraaq iyadu kacdoonkii sunnigu ay wadeen 2-da  sanno ee maaliki looga soo horjeeday waxey isku badashay in ey daacish ka soo hoos dhalato ka dib markii dulmi badan dadka sunniga ah loo geestay.

Kadib  dhimashadii boqorka sacuudiga  boqor  Cabdalla oo ahaa ninkii ugu weynaa ee hogaaminayay ladagaalanka kacdoonada carabta ka jiray waxaa soo muuqaneysa kala daadashada isbaheysigaas oo Masarna xubin ka aheyd laga soo bilaabo intuu xilka la wareegay milatarigu.

Boqorka cusub ee sacuudi carabiya boqor Salmaan waxuu is tusay in lagu fashilmay siyaasadii walaalkiisii dhintay ee ku aadaneyd dalalka carabta, taasoo keentay  intii lagu mashquulsanaa  la dagaalanka islaamiyiinta  in Dowlada  Iiraan ka faaiideysatay arintaas dalal badan oo carab ahna caasimadahoodii ay  la wareegtay   sida Beyruud , Baqdaad  iyo Sanca. Waxaana sidoo kale khatar ku jira dalal kale oo carbeed sida  Baxreyn waxeyna  hore u haysatay Dimishiq, taasoo ka dhigan in wadamada khaliijka dhinac walba ay Iiraan ka go`doomisay.

Boqorka cusub ee sacuudi carabiya siyaasadiisa  waxey ku dhisantahay in la kala saaro islaamiyiinta  kuwooda mayalka adag sida Daacish  iyo kuwooda  qunyar socodka ah sida Akhwaanka , waxuuna is tusay  Akhwaanku inay yihiin kooxda kaliya ee abaabulan kana hortagi karta is balaadhinta shiicada ee gobolka.

Yaman oo xuduud la leh sacuudi carabiya kooxda ugu awooda badan una babac dhigi karta kooxda Xuuthiyiinta waxey noqdeen xisbiga  Al islaax ee ku abtirsada Akhwaanka  sidaa darted Sacuudiga waxuu ku qasbanyahay in uu taxaaluf la sameysto akhwaanka si uu ula dagaalamo  Iiraan iyo Kooxda Xuuthiyiinta ee kusoo dhawaaday  xuduuda sucuudiga, ileyn Shiico badan ayaa sacuudi carabiya ku dhax nool cabsina laga qabaa in kacdoon sameeyaan.

 

Aragtiyaha kala duwan ee  Masar iyo Sacuudiga

Isbadalada siyaasadeed ee Sacuudi carabiya wado Masar marna raali kama aha, waayo Masar waxay akhwaanka ku dartay  liiska argagaxisada dagaalna wey ku la jirtaa.

Hadii eey Sacuudi carabiya xiriiri la sameyso Akhwaanka Yaman joogo taasi waxey ka dhigantahay isku soo dhawaasho dhax mari doono  Akhwaanka caalamiga ah iyo Sacuudi Carabiya, taasi oo dhabar jab ku ah dadaalada Masar eey waday ee Akhwanka lagula dagaalamayay  meel kastuu  caalamka ka joogo.

Masar waxey liiska argagaxisada ku dartay kooxda Xamaas oo ku abtirsato urur weynaha Akhwaanka meesha boqorka sacuudiga uu marti qaad uga fidiyay khaalid mishacal oo ah madaxa siyaasada ee ururka xamaas taasoo ka dhigan boqorku inaanu raali ka aheyn qaraarkii masar ee xamaas ku darayay liiska argagixisada.

Masar waxey rabtaa in arinta Suuriya wada hadal lagu xaliyo halka boqorka cusub ee sacuudi carabiya marnaba aanu  raali ka aheyn in Bashaar al-asad wax wada hadal lala gallo  waxuuna taageersanyahay in la hubeeyo kooxaha qunyar socodka ah sida akhwaanka suuriya.

Kala duwanaashaha siyaasadeed ee soo kala dhax galay boqorka cusub ee Sacuudiga iyo Masar waxaa kaloo ka mid ah arinta Liibiya.

Dowlada Masar waxay rabtaa Akhwaanka iyo  Daacish in aan lakala qaadin dhamaantoodna si isku mid ah loola dagaalamo , sidoo kale   kooxda  magaalada DHUBRUQ fadhida la taageero, meesha Boqorka cusub ee sacuudiga uu ka soo horjeedo arintaas  waxuuna taageersanyahay in arinta Liibiya wada hadal lagu dhameeyo kooxaha islaamiyiinta ah ee fadhigoodu yahay Tiriboli wax laga siiyo xukunka.

Dowlada Masar waxaa lagu eedeynayaa in ay indhaha ka qabsatay is balaadhinta Shiicadu ka wado dalalka carabta wax hadal ahna ilaa hada kama aysan soo saarin arintaa ,halka awoodeedii iyo caqligeediiba ay iskugu geysay la dagaalanka kooxaha islaamiyiinta.

Dhanka kale waxaa isku soo dhawaasho weyn laga dareemayaa xidhiidhkii u dhaxeeyay Turkiga iyo Sacuudiga kadib  booqashadii dhoorka maalin qaadatay ee Rajab dayib erdugan uu ku tagay dalka sacuudiga  waxyaabihii ugu badnaa ee ay ka wada hadleena waxaa ka mid ahaa arinta Bariga dhaxe ,  Isfidin ay Iiraan ka wado gobolka  iyo sidii looga hortagi lahaa.

Warar kaloo la isla dhax marayo ayaa waxay sheegayaan in Erdugaan  uu dhaxdhaadinayo Sacuudi caribiya iyo Akhwaanka, iyadoo la ogyahay xarumaha ugu waaweyn ee Akhwaanka maanta dunida ku leeyahay  in ay ku yaallaan dalka Turkiga sidoo kale masar iyo turkiguna ay isku aanay isku fiicnayn.

Gabagabadii  Sauucdigu  waxay arkaan  khatarta islaamiyiinta sunniga ah (Akhwaan) in ee ay ugu darantahay mida shiicada  ee ku faafeysa gobolka gaar ahaan dalka yaman oo xuduud dheer la leh  sucuudiga  taasoo ku khasbaysa  in tanaasul  ay sameyaan taxaalufna la galaan  waqtiyada soo socda akhwaanka , taasi oo macnaheeda ay noqon doonto in Masar lagu qasbo  wada hadal ay la galaan  akhwaanka  si hal meel looga soo wada jeesto is balaadhinta shiicadu ay  ka wado gobolka ama uu xumaado xidhiidhka ka dhaxeeyo sacuudiga iyo masar.

 

By Axmed Muxumed *bukhaari*
 Cairo egypt

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed