Lafo gurka Qorshayaasha Dahsoon Ee Ciidanka Ethiopia Ka leeyihiin Ku Biiritaanka AMISOM
Mugdisho:25-Jan-2014(SDN)-Wali waxa ay Hadal hayntoodu Meel sare maraysaa Ciidamada Ethiopia ee dhawaan ka mid noqday kuwa AMISOM.
Ciidamadan ayaa ku Biiritaankooda laga Bixiyey Fasiraado kala Duwan, iyadoo inta badan dadka Siyaasadda u dhuun daloolaa ku sheegeen inay ka dambeeyeen u jeedooyin kala dambeeya oo dahsoon.
Guuxa Shacabka Soomaaliyeed ayaa meel walba ka soo yeedhay iyadoo guud ahaan laga xumaaday ka mid noqoshada Ciidamada Itoobiya ee AMISOM, waxaa soo baxay Su,aalo ku aadan maxaa keenay in xilligan Itoobiya ku biirto AMISOM iyadoo iskala waynaan jirtay innay ka mid noqdeen Taliska Ciidamada AMISOM.
Khabiiro ku xeel dheer arrimaha Soomaaliya ayaa gorfeeyay tallaabadan cusub ee Itoobiya ay qaaday, sidoo kale warbaahinta Reer Galbeedka ayaa iyaguna ciwaano looga dhigay Boggaga hore ee Saxaafada “ Itoobiya oo badashay Luuqadeedii Soomaaliya” Ciidamada Itoobiya ee ku biiray AMISOM oo walaac laga muujiyay”
Khabiirada Reer Galbeedka ayaa is waydiinaya, sababta keentay inay xilligan ku biiraan, waxayna tusaale uga dhigteen “ Haddii ay ku biirayaan AMISOM maxay bilo kahor uga baxeen Xudur! Waa su,aal si weyn la isku waydiiyay! Ambaasador David Shinn oo ah khabiir arrimaha Geeska Afrika aqoon u leh isla markaasna ahaa Safiirkii Maraykanka u joogay Dalka Itoobiya ayaa isaggu ku tilmaamay tallaabadan mid dib u hurin karta colaada Soomaaliya xilli uu u waramayay VOA.
Su,aasha muddan in la is waydiiyo ayaa ah? Haddii Dhaqaalo lagu bixinaya Ciidamada Shisheeya maxaa diiday in Ciidanka Qaranka Soomaaliya la dhiso isla markaasna la qalabeeyo!
Qoraaga Ogadentoday Press Iyo Aragtidiisa?
Qoraaga Ogadentoday Press Mudane Maxamed Faarax ayaa isaggu aaminsan dhowr qoddob oo kalle oo sabab u noqon kara arrintan
1- Ciidamada Itoobiya waxay shaki ka qabaan Maamul Gobaleedyadda Jubbaland Iyo Bay Iyo Bakool, waxayna doonayan in Siyaasadooda kaga aadan Gobaladaas ay ku xoojiyaan ka mid noqaanshaha AMISOM.
2- Itoobiya waxay u aragtay in Mustaqbalka Xasiloonida ku timaada Soomaaliya ay halis galin karto damaca kaga aadan Soomaaliya sidaas ay doonayso inay Miisaan Siyaasadeed Iyo mid Ciidan ku dhex yeelato ka mid noqoaanshahan.
3- Itoobiya waxay xoogga saari doontaa in Ciidamada Kenya ee Jubbaland jooga qayb ka noqoto midaas oo ay isha ku hayn doonto dhaq-dhaqaaqa Maamulkaas iyo xidhiidhka uu la yeelan doona Gobalka Ogaden!
4- In aanay ka madhnayn arrinta Dhaqaale Doonka ah oo Ciidamo Badan oo Itoobiya ah oo haddii lagu hayo Gudaha Itoobiya aan loo helaynin Mushahar looga hello dalalka Colaadaha ka jiraan sida Soomaaliya oo Ciidan loogu diro.
5- Xidhiidha Dowlada Federaalka ah iyo Dalalka Masar Iyo Turkiga oo aanay Itoobiya ku faraxsanayn waxaana midan u tahay in si qoddo dheer ay ula socdaan Siyaasada Dibada ee Soomaaliya iyo midda Ciidan!
Saameynta ay yeelan karto.
Shaki kuma jiro in Soomaaliddu aysan jeclayn Ciidamada Itoobiya marka laga reebo Siyaasiyiin doonaya innay salaanka Siyaasada ku gaadhaan Ciidamadaas waxaana midan sii xoojin doonta dareenka dadwaynaha u qabaan Itoobiya.
DF ah ee Soomaaliya oo dad badan ku taageersanayaan hannaanka Ciidamada Shisheeye ee AMISOM aya suurtagal ah in hadda dad badan kalsoonida ay u qaban Dowlada ay hoos u dhacdo.
Alshabaab oo Iyaddu Awood baddan wali ku leh Gobalaka Soomaaliya Koonfureed ee Soomaaliya waxay u isticmaali tallaabadan innay ku helaan Taageero wallow la aaminsan yahay in Alshabab Iyo Itoobiya dhanka dagaalka aysan isku mid ahayn.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com