|

LADAN, KU JECLIYAA! W/Q:Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf

12248822_1004971209546061_968044625_nAnnagoo gacmaha is haysanna ayaan galnay. Kaabadaha dhulka hoos ugu daadega ayaan marba mid cagta dul dhignay. Kabaha ay xidhnayd Ladan oo cidhib yar lahaa ayaa kaabadaha huuteelka kolba mid qodh kaga siinayay. Dhawaaqa ka dhalanaya kabta Ladan ee ku dul dhacaysa kaabadda iyo  qabowga aan ka dareemayo gacanta aan ku hayo gacanteeda aad moodo buushka ayaa nafta ku beeraya kalgacal aan duugoobayn, caashaq aan gudhayn iyo jacayl  aan gaagaxayn.

Ladan sannad ka hor ayaan is baranay oo xidhiidh jacayl ayaa naga dhexeeya, maanta oo aan joogno Huuteelkanna, waxaaan xusaynnaa sannad guuradii kasoo wareegtay jacaylkayaga. Maalintaan bartay Ladan illaa maanta waxay ii ahayd hirasho iyo hogasho, heehaabad jacayl iyo hammuun caashaq.

Ladan, jacayl ayaan u qaaday iyaduna way igu habtay dhayda caashaqa; kun jeer ayay i dhansiisay lis caashaq oo daraya anna intaan qudh-qudhiyay dhayda caashaqa ayaan ku nafaqeeyay dhammaan unugyada jidhka, xubnahaygii ayaa ku koray liskii caashaqa ee ay Ladan igu anqarisay, taas ayaa sababtay inaan u hibeeyo nafta, u hoolado oo u hagarbaxo.

Ladan, labada indhood ee igu yaala ka jecli, jacaylkeedu noloshayda ayuu la falgalay intuu igu fogaaday ayuu far walba raacay, Ladan intaan ka fikiro waligay qof kama fikirin! Taasi waxay keentay inay nafteeda ku ladho naftayda, ana hubaashii hagar li’i ayaan ugu hibeeyey naftayda.

Imisa jeer ayaan arkay anoo jaamacada jooga oo dhagaysanaya macalinka haddana ka fikraya iyada, intaan sabuurada ka dul baxo ayaan ku sawirtaa Ladan. Ladan oo siddeediiya ayaan ka daawan jiray sabuurada, Indhaheedii cad-cadaa, sankeedii dhuubnaa ee dheeraa, dibnaceedii cas-casaa, cabankeedii yaraa eed canbuusha moodaysay, xataa marar ayaan ku sigtay intaan kaco inaan sabuurada dhunkado! Hadana baqdin aan ka qabo macalinka iyo ardayda fasalkayga aan u joojiyay.

Ladan, sannadkaan is baranay ayaa ahaa mid bilan, waayo? Sida yar een markiiba isku fahanay ayaan ka gartay. Ladan maalintaan is baranay waan xusuustaan markaan maqal dhaweeyaha (mobile) kala hadlay wadnaha ayaa la igag soo booday, waan ruxmay oon raftay intaan rayn-rayn aanan hore iskugu arki jirin iskugu arkay ayaan farxad is kala garanwaayay. Maalintaa laga bilaabo noloshayda ayay wax ka bedeshay ilaa ay subaxdii ii soo dirto “Arooryo Suuban”ooy ila soo hadasho quraacduba umay dhadhami jirin siday ii sheegtay, anna ilaa aan duhurkii markaan jaamacada ka yimaad u diro “Hadhimo Wacan” maan qadayn jirin waxna ma quudan jirin, habeenkiina ilaa aan haasaawaha ka macaan malabka dhansiiyo, may seexan jirin ee saamalayl iyo surbacaad ayay u ahaan jirtay.

Hadii ay aragto mobile kayga oo xidhan amma si kale ah way suuxi jirtay oo silananaan jirtay ina su’aali jirtay waxa sababay sidaa, guud ahaan hal mar ayay aragtay mobile kayga oo xidhan,  Subaxdii wixii i gaadhay Alluun baa ka warrami kara! Intay ii istaagtay meeshaan ka raaci jiray baska aan jaamacada u raaco, ayay hiqda gurtay oohin anna waan is hayn kari waayay oo ilmo iga tifiq leh iyo Ladan oo iga biinaysa ayuun baan arkay, Aamusnaan ayaan ku wada haddalnay oo isku fahannay iskuna af-garanay iina sheegtay xalay markay i wayday inay hurdo seexan waday, saamalayshay kaligeed, saqdii dhexe mar ay tahay, sariir ay ka booddoo, sidaan ahay ka fikiraysay habeenkii oo idil, anna waan qushuucoo, qawalkay i tidhi iyo, qaabkaan u leday baa, is khilaafay maraddaa.

Waxay iigu darrayd maalintay igu tidhi: Xabiibi, jidhkayga jidhidhico ayaa ka kacday, Wadnahaa i wareemay, Sanbabadaa la i saaqay, Halbawlaha dhiiga qaada ayaad moodaysay in koronto lagu qabtay anoo gariiraya ayaan ugu hal-celiyay: Hee gacaliso, iyadna intay is kala garan wayday ayay iigu luuqaysay heestan:

Beerkay i dhanbalannoo

Dhuuxaygaa shubmaayoo

Dhiigay qulqulaayoo

Dhibtu maaha kaligaa

Waase lagula dhinacyaal

Dhabada aan maraayiyo

Kolka aan dhaqaaqoo

Dhammaan waaxyahaygiyo

Damiirkaygu adiguu

Dhabtii kula hayaayoo

Adaa dhulka ugu wacan.

Farxad, darraadeed, ayuun baan is arkay anoo leh:

Dhirta oo magooshiyo

Ciiddoo dhibic ku hoortoo

Dhaammaan rayskii soo baxay

Oo dhadiidda laamuhu

Dhinacyadu u leexddeen

Shinbiruhu dhawaaqeen

Qayladu is dhaafshaa

Nimcadaa dhidow loo

Dhami loo hanwaynyahay

Ayaad iiga dhigantoo

Naftaa kula dhacaysee.

Jacaylka aan kuu qabo, waxa ii dheer naftayda oon kuu hibeeyay kuna siiyay. Ma ledo la’aantaa mana cuno dhuuniga. Maalintaan ku bartay ladan waxay ii ahayd maalin bilan, waxa ii bilaabantay nolol cusub. Jacaylkaagu wuxuu igu riday yididiilo aan ku nasho lahayn iyo yool aan qeexid lahayn, intaasna tiraab ahaan ayaan ugu mariyay markaan huteelka fadhinay, mise waabay oyday.

Jacaylku wuu jiraa oo lama diidi karo, waa dareen ay abuurto halakda ishu, oo ku habsada bu’da wadnaha isagoo u raaca halbawlaha qaada dhiiga, kaas oo ku fidiya oogada jidhka, xubin xubinna uugu sheega in la helay qof cusub, si ay u qiimeeyaan oo u qadariyaan uguna hooladaan xidhiidhka qofkaas la caashaqay.

W/Q: Cabdiraxmaan maxamed yuusuf (Cabdi dhuux).

Email: Cbdiraxman1@gmail.com

Comments are closed