Lacagtii waddada Ceerigaabo Guurtidu U Goynaysay Oo Bam Ku Noqotay Shirguddoonka Iyo Muran Cusub Oo Sababay In Inta Sannadkan ka Hadhay aan wax Lacag ah Laga Goynin Odayaasha Gadoodsan
Hargesya:21-Oct-2013(SDN)- Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Shirguddoonkooda ka dalbaday in Hoos Loo Eego Nidaamka Lagaga Jarayo lacagta Loogu Talay Dhismaha Waddada Ceerigaabo-Burco oo madaxweynuhu dhawaan Amar Ku Bixiyey in dhammaan Shaqaalaha Dawladda Laga Gooyo Lacag Xaddidan.
Xildhibaanada ayaa si toos uga Biyo Diiday inay lacagta la goynaya Mudda sanadka ah eek a bilaabmaysa Bishan aynu ku jirno ee October ay kala sinnaanaada Dhiggooda wakiillada oo ay ku andacoodeen inay ka Gunno Badan yihiin oo ay caddaalad darro tahay in lacag isku mid ah laga gooyo.
Inta Badan Golaha Guurtida ayaa Maalintii Sabtidii galay shir albaabadu u xidhan yihiin waxana ay isla qaadaa-dhigeen in Hoos Loo Eego Lacagta madaxweynuhu Gooyey in laga Gooyo oo ahayd $100 (Boqol dollar), waxana ay sabab uga dhigeen in Qolada kale ee Wakiillada oo qaata Gunno ka badan midda Guurtidu qaadato.
Xildhibaanada Guurtida iyo wakiillada ayaa ka siman dhinaca mushaharka, basle waxa jira faraq weyn oo dhinaca Gunnada ah, waxana Guurtida La siiyaa 2400,000, Somaliland Shilling ah, Halka Wakiillada laga siiyo lacag dhan 6500,000, Somaliland shilling ah.
Faraqan dhinaca Gunnada ah ee labada Gole u dhexeeya, ayaa keenay in Guurtidu dalbadaan in loogu noqdo dhinaca caddaaladda oo marka hore dhinaca Gunnada laga sinmo si wax isku mid ahi u wada Go’aan.
Sidoo kale waxa jira Guux Hoose oo ka imanaya Xildhibaanada Guurtida oo Shirguddoonka ku eedaynaya inay ku takri falaan Miisaaniyadda Golaha loogu talo galay, islamarkaana Talo la’aan iska isticmaalaan kharashaad badan oo Goluhu iska leeyahay.
Kacdoonkan ka dhex dillaacay Golaha Guurtida ayaa yimi kadib markii uu Guddoomiye-ku-xigeenka Kowaad ee Goluhu Siciid Jaamac Cali dhawaan magacaabay Guddi uu ku sheegay inay ka soo talo bixinayaan Lacagta Qaadhaanka ah ee Waddada loo jarayo, waxana ay Guddidaasi si fudud u sheegeen in lacagtaas laga jarayo xildhibaanada, maadaama lagu dhisayo waddo qaranka waxtar u leh.
Xildhibaanada intooda badan oo markii horeba qabay shaki ah in lacago badan laga lunsado, islamarkaana xishood miciinsanayey madaamaama ay rag waaweyn oo Odayaal ah u badan yihiin, ayaa ka soo horjeestay Lacagtan laga jarayo ee aan lagala tashan, waxana ay shirguddoonka u Gudbiyeen Dawcad ay arrintaas kaga soo horjeedaa.
Waxa kale oo ay xildhibaanadani ku andacoonayaan in lacagta la jarayaa ay noqoto mid waddooyinka dalka oo dhan si siman loogu qaybiyo oo aanay noqonin oo kaliya mid lagu dhisayo waddo kaliya, maadaama dalka waddooyinkiisu burbursan yihiin, arrintaana waxa u guuxay shirguddoonka oo Hawraarsan ku soo dhaweeyey.
Shirguddoonka ayaa ay khasab ku noqotay inuu wax ka beddelo Go,aankiisii hore ee ahaa in xilliga lacagta $100 ah la goynayaa ay ka bilaabanto Bisha November ee soo socota, waxana uu maalintii shalay ku dhawaaqay in Haddii lagu heshiiyo lacagtaas Goynteedu ka bilaambi doonto Bilowga sanadka Cusub ee 2014-ka, waana Haddii xildhibaanadu isku raacaan arrintaas iyada ah.
Sida ay sheegayaan warar hoose aanu helnay, waxa xildhibaannada iyo Shirguddoonku isla garteen in xisaabtan dheer la iskugu yimaaddo, islamarkaana lafogur lagu sameeyo Hannaanka loo maamulo miisaaniyaddooda oo ay xildhibaanadu ka biyo diidsan yihiin, waxana uu shirguddoonku muujiyey inuu diyaar u yahay in lala xisaabtamo.
Qaar ka mid ah xildhibaannada Guurtida ayaa qaba Tuhun ah in Shirguddoonku ku takri falo miisaaniyadda loogu talo galay Golaha Guurtida oo sida caadada ah ka mid ah Hay’adaha ugu miisaaniyadda badan, maadaama ay ku lug leeyihiin arrimaha daminta shaqaaqooyinka, waxana jira su’aalo badan oo xildhibaanadu ka keeneen maamulka miisaaniyaddaas oo meel lala maro aan cidi ka war haynin.
Golaha Guurtida ayaa noqday Hay’addii ugu horraysay ee su’aal ka keentay lacagta la sheegayo in loo jarayo waddada Ceerigaabo-Buro, waxana ay taasi muujinaysaa sida Odayaasha Guurtida oo inta badan lagu tilmaamo inay u badan yihiin Odayaal Daalay oo aan wax badan arrimaha kala soconini uga nool yihiin dhinaca Lexejeclada ee aanay waxba u dhaafi Karin.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com