Lacagtii dalka Ruushka oo qiime beeshay sanad gudihii
Moscow Dec 11,2014(SDN/QJ)-Raiisul Wasaaraha dalka Ruushka Dmitriy Medvedev ayaa markii u horeesay qiray in hoos u dhac balaaran ay soo wejahday lacagta Ruushka ee ruble.
Hoos u dhaca ayaa khabiiradu u aaneeyeen laba arimood oo saameyn weyn ku yeeshay dhaqaalaha dalkaasi guud ahaan.
Dawladaha reer Galbeedka ayaa cunaqabateyn ay dul dhigeen dalka Ruushka waxa ay saameyn balaaran ku yeelatay dhaqaalaha dalka.
Sidoo kale waxa iyana saameyn baaxad leh ku yeelatay lacagta Ruushka hoos u dhac baaxad leh oo ku yimi qiimaha shidaalka oo dalkaasi uu ka heli jiray lacago adag oo faro badan.
Raaiislu wasaaraha Ruushka ayaa mar uu warbaahinta u waramayay waxa uu u sheegay shacabka dalkaasi in loo baahan yahay in dhaqaalaha la dardar geliyo oo aan la isdhiibin.
Si kastaba ha ahaatee Ruble Ruushka ayaa waxa ilaa sanadakna la soo dersay hoos u dhac balaaran oo lagu qiyaasay ilaa 40%.
SDN/QJ-Moscow