Lacago Lagu Laaluushayo Shaqaalaha Telefishanka Qaranka oo ka dhex socda Kaamboolka Wasaarada Warfaafinta Iyo Eedaha dul hoganaya
Hargaysa 05.Dec 2013 (SDN)- Fadeexadaha musuqmaasuq ee maareeyaha televisionka qaranka ayaa ah weli kuwo halkii kasii socda kuwaasoo marba marka ka danbaysa iska soo daba dhacaya,waxaanay wararkii ugu danbeeyey sheegayaan in maareeyihii hore ee televisionka qaranka ee shaqada laga joojiyay uu ilaa waaberigii hore ee saaka ka waday xarrunta wasaaradda warfaafinta hawlgallo lacag dollar ah loogu qaybinayo shaqaalaha wasaaradda , taasoo uu u soo wakiishay maareeye xigeenka tvga qaranka
Ololahan lacagta loogu qaybinayo shaqaalaha, isla markaana uu daaha dabadiisa ka maamulayo maareeyihii shaqada laga joojiyay ,oo qofkiiba lagu siinayay 30 dollar ilaa inta u dhaxaysa 20 dollar,ayaa ujeedadiisu ahayd sidii looga soo horjeesan lahaa taloobooyinka lagu eedaynayo maareeyaha ee fadeexadaha musuqa ,iyo dibu habaynta mushaharka shaqaalaha iyo hanta dhawrka ,
Ololahaas ayaa wararka kazoo baxayaa sheegayaan in badiba shaqaaluhu ka hor yimaadeen,halka badh kamida shaqaaluhuna ka qaateen lacagtaasi ,iyagoo ku tilmaamay inay tahay marka horeba ahayd lacagtani xaqoogii ay lahaayen ee dulmiga kaga maqnaa islamarkaana uu ummadda iyo shaqaalaha maaakiinta ah ka boobay.
Hantida lacageed ee ilaa haatan sida rasmiga ah loo hayo ee uu ka dhacay khaddar cali gaas ayaa sii cagacagaynaysa $1,200,000 ,34 dollar,[hal milyan iyo laba boqol oo kun iyo afar iyo soddon dolar.
Balse baadhitaanka natiijada rasmiga ah ayaa ah mid weli laga dhursugayo inta ay si kama danbays ah usoo dhamaanayso..
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com