|

Lacago ka maqan khasnada dawlada Soomaaliya

Muqdisho July 02, 2024(QJ) -Hanti dhowrka guud ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Guutaale oo maanta shir jaraa’id u qabtay wariyaasha ayaa ka warbixiyay xogo cusub oo la xiriira baaritaanno lagu sameeyay labo xafiis oo ka tirsan hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Hanti dhowrka guud ee qaranka ayaa sheegay in baaritaan xoogan lagu sameeyay xafiisyada u xilsaaran maamulka mushaar bixinta ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada iyo laanta socdaalka iyo jinsiyadaha taasoo lagu soo bandhigay wax isdaba marin iyo maamul xumo maaliyadeed.

Axmed Ciise Guutaale ayaa sheegay in lacag ka badan 20 Milyan oo Dollar ay ka maqan tahay Xafiisyadaasi, kuwaasi oo aan lagu shubin Qasnada dhexe ee Dowladda Soomaaliya.

Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa khudbadiisa ku sheegay in ku takri falka lacagahaasi ay saameyn weyn ku yeelatay dowladda dhexe, isagoo sheegay in deymo badan lagu leeyahay dawlada, si ay u bixiso mushaaraadka shaqaalaha dowladda, ciidamada iyo xildhibaanada.

Leave a Reply