|

Lacago ay iska soo aruuriyeen Ciidanka Milatariga Soomaaliya oo lagu wareejiyay Guddiga Abaaraha

Muqdisho 15. April 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa maanta lacag ay ay iska soo aruursheen Ciidanka Milatariga Soomaaliya ku wareejiyay Guddiga gurmadka Abaaraha.

Lacagta uu Guddiga Abaaraha ku wareejiyay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya ayaa gaareysay $51,000 (Konton iyo kow kun) oo dollarka Mareykanka ah, waxaana lacagtan laga jaray Mushaaraadka ciidankka xooga Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashanadhiga Soomaaliya ayaa sheegay in lacagtan ay tahay mid ciidanka garteen in ay ugu deeqaan dadka ay abaaraha saameeyeen, waxa uuna tilmaamay in ciidanka mar walbo shacabkooda garab taagan yihiin.

Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa Wasiirka gaashaandhiga uga mahad celiyay lacagtan uu gudoonsiiyay ay mushaarkooda kasoo jareen ciidanka Milatariga, waxa ayna Guddiga amaaneen doorkan ay qaateen Ciidanka Milatariga.

Ciidanka Dowlada sida Nabad suguda booliiska ayaa horey deeqo raashin ah u gaarsiiyay dad kasoo barakacay abaaraha oo ku sugan duleedka magaalada Muqdisho, waxa ayna ciidanka u muuqdaan kuwa u diyaarsan in ay garab siiyaan dadkooda tabaaleesan

Comments are closed