Lacag dhan 5000 oo Dollar oo Maanta la Gaadhsiiyay Cisbitaalka Beledweyne
Beledweyne 02.July 2014 (SDN/QJ)-Qurbajoog Soomaali ah oo ku kala nool dalalka Mareykanka iyo Britain ayaa lacag gaaraysa 5,000 ugu deeqay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne.
Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo la soo marsiiyay deeqda ayaa ku wareejiyay maamulka isbitaalka.
Agaasimaha guud ee isbitaalka Beledweyne, Axmed Maxamed Khaliif ayaa sheegay in deeqda loogu talagalay in mushaar ahaan loo siiyo shaqaalaha isbitaalka iyo in wax looga qabto qeybaha qalliinka iyo bukaan-jiifka.
Axmed Maxamed Khaliif ayaa ka mahadceliyay deeqda, isagoo xusay in dadka ka soo jeeda gobolka ee ku nool qurbaha looga baahan yahay in ay ku dayasho muujiyaan.
Waa markii labaad oo muddo labo bil gudahood ah deeq la gaarsiiyo isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne.
Beledweyne SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com