Lacag dhan 124 Milyan oo Euro ah oo Midowga Yurub u Qoondeeyay Ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM
Nairobi 11.Sep 2013 (SDN)-Guddiga Midowga Yurub ayaa maanta sheegay in 124 milyan oo Euro ugu siin doono ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) si loo xoojiyo howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka iyo horumarka Soomaaliya.
Madaxa arrimaha siyaasadda ee Midowga Yurub Catherine Ashton ayaa sheegtay in lacagta loogu deeqayo AMISOM ay gacan weyn ka geysan doonto dadaallada lagu doonayo in xasillooni iyo nabad lagu soo dabaallo dalka Soomaaliya.
Waxay tilmaantay in horumarka ka socoda Soomaaliya uu muujinayo in ay jirto rajo ku aadan in laga gudbay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.
Catherine Ashton ayaa xustay in shirka caalamiga ah ee 16-ka bishan looga hadli doona arrimaha Soomaaliya ee lagu qaban doono magaalada Brussles ee dalka Belgium uu ka caawin doono dib u dhiska hannaanka dowladnimo iyo tiigsiga mustaqbal wanaagsan oo ay Soomaaliya gaarto.
Nairobi SDN.
Qurbejoog.com