“Lacag aan ogolaasho looga haysan golaha Baarlamanka lama bixin karo Baanka Dhexe” Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia
Muqdisho 29.March 2014 (SDN)- Afhayeenka baarlamaanka DF ayaa maanta sheegay inay mamnuuc tahay lacagta laga saaro bankiga dhexe ee Somalia Wax lacag ah oo aanay ka war qabin guddiga maaliyadda baarlamaanka Somalia.
Jawaari ayaa fadhiga maanta ee baarlamaanka ka hor sheegay bilowga bisha afaraad inay warqad codsi ah u diri doonaan dadka gacanta ku haya mamulka Bankiga dhexe ee Muqdisho kaasoo ku aadan inaysan bixin karin wax qarashaad ah oo aysan soo saxiixin guddiga maaliyadda ee barlamaanka.
Arrintan ayuu ku sheegay inay tahay hubinta lacagta laga saaro bankiga iyo sida wax loogu qabto maadama baarlamaanku uu wakiil ka yahay shacabka lacagta laga saarana bankiga loogu addeego bulshadda Soomaaliyeed.
“Wax Alle iyo wixii hanti ah ee ku jira qasnadda DF waxaa leh shacabka ,shacabkana waxaa wakiil ka ah golahan, lacag aan ogolaasho looga haysan golahanna lama bixin karo Baanka dhexe,Jawaari oo sii hadlaya ayaa muujiyay inay arrintan xil ka saaran tahay.
Amarka Jawaari ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo noocaasi ah oo baarlamaanka laga dhex maqlo tan iyo mudaduu uu dhismaa waxayna usii gogal xaaraysaa in wax laga qabto lacagaha lagu eedaynayo madaxda DF ee la musuq maasuqayo.
Gudoomiyihii hore ee Bankiga dhexe ee Somalia Yusur Abraal oo magacownayd mudo ka yar shan asbuuc ayaa Dubai kasoo dirtay warqad ay ku sheegtay inay xilka isaga tagtay ka dib markii hanjabaad iyo cadaadid uga yimi xafiiska Xasan Shiikh Maxamuud ee Villa Somalia.
Afhayeenka Baarlamaanka ayaa sheegay fadhigaan iyo kan ku xiga la qaban doono shaqooyin faro badan sidaasi darteedna xildhibaanada looga baahan yahay inay waqti ka badan koodii caadiga ahaa ay shaqeeyaan maadama lagu rajo wayn yahay in 2016-ka la qabto doorasho xor ah.
Balse arrinta uu murunku ka taagan yahay ayaa ah mamulada iska soo horjeeda ee looga dhawaaqay magalada Baydhabo ,mamulka lixda gobal ee Baydhabo waxaa horay u taageeray Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari halka kan saddexda gobal ka koobana ay taageero u hayaan xildhibaanada qaar iyo xafiiska Villa Somalia.
Muqdisho SDN.