Lacaacibka Aduunka oo dhaawac uga haray tartanka Ciyaaraha aduunka iyo reer Brazil oo walaac la soo dersay
Brazil July 05,2014(SDN/QJ)-Ciyaaryahanka dunida ugu caansan ee Neymar ayaa ciyaartii shalay ee dhexmartay xulalka Brazil iyo Colombia waxa ka soo gaaray dhaawac ka reebaya ciyaaraha inta ka hadhay.
Neymar oo ah halyeyga ay ku tiirsanaayeen ciyaaryahanada iyo taageereyashaa Brazil ayaa haatan waxa soo wejahay cabsi.
Dhakhaatiirta Neymar ayaa sheegay in JIlibkii dhabarka uga dhacay uu sababay in mid ka mida lafaha dhabarku jabaan.
Tababaraha Brazil Luiz Felipe Scolari ayaa sheegay in ciyaaryahanka Neymar oo 22 jir uun ah sadexdii ciyaarood ee u danbeeyay si gaal ah loo bartilmaansanayay.
Neymar ayaa intii tartanku bilowday waxa la soo gudboonaaday dhaawacyo ka soo gaaray jilbaha iyo bowdyada.
Ciyaaryahanka Naboli u ciyaara ee Zuniga oo dhaawaxa shalay u geystay Neymar ayaa dafiray in uu ogaan u bartilmaansaday.
“Waxaan difaacayay uun calanka aan magaciisa ku ciyaarayo,ciyaaryahana ma dooneyn in aan waxyeelo ayuu yiri.”Zuniga.
Neymar Ayaan dib ugu soo noqon doonin inta ka hartay tartanka ciyaaraha aduunka ee 2014ka eek a socda dalka Brazil.
SDN/QJ-Brazil
contact@qurbejoog.com