Labo kamid ah Dowladihii Xayiraada kusoo rogay Qadar oo Hawadooda u fasaxay Diyaaradaha Qatar Airways
Doha 11. August 2017 (SDN/QJ):- Labo dowladood oo kamid ah Xulufadii Sacuudiga hogaaminayay ee xayiraada kusoo rogay dowlada Qadar ayaa hawadooda u fasaxay Diyaaradaha shirkada Qadar Airways oo horey looga mamnuucay in ay maraan hawada Wadamada Xulufada ah.
Dowladaha Imaaraatka Carabta iyo Baxreyn oo kamid ah dowladihii xayiraada kusoo rogay dalka Qadar ayaa go’aankooda isbadal ku sameeyay, waxa ayna si KMG ah hawooda qeyb kamid ah uga fasaxeen diyaaradaha Shirkada Qadar Airways .
Dowlada Qadar ayaa dacwad ka dhan ah Xulufada Sacuudiga waxa ay u gudbisay Qaramada Midoobay iyo hay’ada caalamiga ah ee qaabilsan hawlaha duulimaadka, waxa ayna Qadar aheegtay in xayiraada dhinaca hawada in ay tahay mid sharci daro ah oo saameysay dadka kunool dalka Qadar.
Wada hadalo maalmo badan ka socday magaalada Montreal oo xarun u ah hay’ada duulimaadyada caalamiga ah ee [International Civil Aviation Organization (ICAO) ayaa ugu dambeyn dowladaha Baxreyn iyo Imaaraatka ku ogolaadeyn in xayiraada dhinaca hawada ka qafiifiyaan dowlada Qadar.
Dowlada Qatar ayaa tilaabadan xayiraada Imaaraaka iyo Baxren uga qaaday Qadar Airways ku tilmaantay guul weyn oo qeyb ka ah dadaalkii ay ka dhex waday Beesha Caalamka ee cadaadiska lagu saarayey xulafada Sacuudiga.
Xulufada Sacuudiga horboodayo ayaa bishii June ee sanadkan xayiraad dhinaca Cirka iyo dhulka waxa ay kusoo rogeen dowlada Qadar ay ku eedeeyay in ay maal galiso Argagaxisada, xayiraadan ayaana saameyn badan ku yeelatay dalka Qadar.