|

LABADII MASRI EE DAMEERKA AASEY DABEEDNA KU SHAQEYSTEY (Sheeko Gaaban).

Beri hore waxaa jirey laba nin Masaari ah oo walaalo ahaa, labadaa ni ee wallaalaha ahi  waxey wax aduunyo ah lahaayeen Dameer ay ku xamaashan oo ay xaabada iyo wixii kale ee raraba ku qaadan sidaana ay masaariiftooda kula soo baxaan . In mudo dheera hadii ay ku shaqeysanayeen ayaa dameerkii  Dameerkii tii Alle u timid iskana baqtiyey.

 

Labadii nina talo ayaa ku cadaadey waxaaney is weydiiyeen meeshii ay nolashooda ka sii debari lahaayeen, mar hadii Dameerkoodii bakhtiyey. Wax la rogrogo oo midba meel ku dhuftaba markii danbe ayuu mid ka midi kaarto keenay waxaanu yidhi  ”Waxeynu yeelaynaa dameekra weynu aaseyna, qabrigiisana waxeynu ka dul dhiseynaa qubi aam munaarad, ka dibna waxeynu odhaneyna meesha waxaa ku aasan Sheikh karaamo leh oo Sheikh Fulaan Binu Fulaan la yidhaa, waxaad arki doonta iyadoo dadku ku dulwareegayaan oo qurbaanka, iyo qaliinku batey inaguna sidaa ayeynu dhiisha faqriga ku tuureynaa”

 

Ninkii kale arintii wuu raacey, maalinta laga bilaabana goobtii qabrigu waxey noqotey meel laga barakeysto, oo dabiib iyo denbi dhaafba loo soo doonto, dadka u macmiisha ahina ay xoolo ku dul qalaan, qurbaana dul dhigaan. Labdii nina waxey noqdeen rag ka raystey dameerkii ay eryi jieen iyo diiftii foqorka.

 

Waa meel Alle wax ka wadaaye, Maalintii danbe iyagoo sheekaysanaya ayaa midi yidhi ” Walaahi Sheikha bartan ku aasan ee  Fulaan binu Fulaan waa karaamo miidhan Alla maxaa wax looga soo joogey”  Kii kale ayaa soo oodey oo yidhi “Keeba Karaamo miidhana ma dameerkiini Afcadeeye!!!” “Waar Skeikha ha caayin yaanu afku ku qaloocane” ayuu kii hore ku celiyay. Intuu qosol u dhacey ayuu yidhi  ”Waar heedhe maxaa ka siya  ma beenteenii baad adigii rumaysay maxaad sheekh ku sheegaysa”  Ninkii jibeysnaa ayaa isagoo cadho jiqa yidhi  ” Wallahi Sheikh fulaan axsan minak” Sheikh Fulaan adiga kaa waanagsa ayuu ku dhaartey

 

“Waar ma anigaad i leeday Dameerkii aynu meesha ku aasney ayaa kaa fiican” Gacantabaala isula tagey…. Dadkii  Qabriga soo siyaartey oo la yaabey labadii Sheikh ee furaha qudbiga hayey oo is diley ayaaba kala qabtey waar maxaa dhacey oo isku dileysaan?

 

Waxaanu isku diley wuxuu igu yidhi “Sheikh Fulaanka halkan ku aasan ayaa kaa wanaagsan”- “Oo haduu ku yidhi sow saxa maha oo sheekhu kaama wanaagsana oo kaama karaamo badana”…
“Keeba iga wanaagsan ma dameerkayagii Afcadeeye, waar meesha Dameer baanu ku aasney ee Sheikhna kuma aasna”

 

Filimkii labada Masri halkaas ayuu ku gubtey dibna looma soo siyaaran!!!!!!!

 

 

Osman Omar Dool

Oslo Norway

Comments are closed