Labada Xisbi Mucaarid iyo Madasha Wada Tashiga oo Isku raacay in Hadii doorashadu Qabsoomi weydo la soo Dhiso Xukuumad ku Meel gaadh ah
Hargaysa 10.Aug 2014 (SDN/QJ)- Xisbiyada Mucaaridka ee Somaliland Waddani, Ucid iyo Madasha wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka ayaa Si wadda jir ah ugu baaqay in la dhiso Dawlada Wadaag ah, haaddii Xukumadu wakhtigeeda ay ku qaban waydo Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada.
Waxa kale oo ay ka Dayriyeen in ay xukumada Siilaanyo ay diyaar u tahay in ay doorasho ka dhacdo dalka iyaga oo hoosta ka xariiqay in haaddii dalka doorasho ka dhiciweydo ay eeda leedahay Xukuumada wakhtigan jirta.
Sidaasi waxay ku sheegen Shirjaraa’id oo ay wadda jir ugu qabteen Hotel Ambasador ee Magaalada Hargeysa.
Shirkasi Jaraa’id ayaa wax aka qaybgalay masuul;iyiinta ugu sareysa ee Labbada Xisbi Mucaarid iyo Madasha Wadatashiga.
Qoraal Dheer oo ay halkaasi ka akhriyeen ayaa waxa uu u dhigna sidan .
Annaga oo ka duulayna kana midaysan argtida ah :
- In Jiritaanka jamhuuriyadda Somaliland ay saldhig ama asaas u yihiin “nabadda, talo-wadaag, dimuqraaddiyad iyo hannaanka Xisbiyada badan” sida ku qeexan qod.3aad ee distoorka. Inay nabaddu ku xidhan tahay dimuqraaddiyadda. Mar kasta oo doorasdooyinku baaqdaan ama muddo-dhaafaan ay halis gelin karto nabadgelyada.
- In sidaas oo kale, dimuqraadddiyaddu ku xidhan tahay jiritaanka shuruudaha asaasiga ah oo ay ka mid yihiin: ku-dhaqanka sharciga(rule of law, ) xorriyatul-qawlka, tartatanka xisbiyada badan iyo doorashooyinka muddeysan ee xorta iyo xalaasha ah.
- In Himilada ugu weyn shacbiga Somaliland leeyahay ay tahay in la helo aqoonsi caalami ah, horuumar iyo nabad waarta, jidka keliya ee loo mari karaa yahay xoojinta iyo taabbagalka dimuqraaddiyadda. Sidaa darted, mar kasta oo ay baaqdaan ama dib u dhacaan doorashooyinku ay keeni karto inay sii fogaato himiladdi shacbigu lahaa.
- In doorashooyinka iyo codbixintu ay yihiin xuquuqda distooriga ah ee dadaweynaha iyo muwaaddinniinta, iyo qaabka keliya ee ay ku muujin karaan doonistooda ama ku dooran karaan madaxdooda. Iyada oo aanay jirin cid shacbiga wakiil uga noqon karta doorashada madaxdooda, oo ku iman karta oo keliya codbiixn xor iyo xalaal ah.
- In xilka qabashada doorashooyinku uu waajib distoori ah oo saaran xukuumadda, muddo-kordhintuna ay sharci-darro tahay, marka ay maqan yihiin duruufaha ku xusan qod.83aad.faq.5aad iyo qod. 42aad. faq.3aad, kuwaas oo ah kara sababaha keliya ee sharciga ah ee dib u dhigi kara doorashooyinka.
Sidaa darted:
ANNAGA oo ujeeddadu tahay xoojinta nabadda, taabbagalka dimuqraaddiyadda iyo hiigsiga aqoonsiga caalamiga ah iyo horuumarka;
ANNAGA oo ka digtoon kana feejig tallaabo kasta oo wax-yeeli iyo hagar-daamo u keeni karta nabadda, dimuqraaddiyadda iyo midnimada dalka;
ANNAGA oo tixgelinaynna marxaladda adag e dalku maanta ku sugan yahay iyo duruufaha ku xeeran;
ANNAGA oo ka werwer qabna inaan Xukuumaddu u hagar-baxsanayn inay doorashooyinku ku qabsoomaan xilligoodii;
Waxannu halkan isla qaadannay qodobbadan hoos ku qoran; annaga oo ka kooban: (i) Xisbiga Mucaaridka ah ee Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID), (ii)Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddini iyo (iii) Madasha Wadatashiga oo ka kooban muwaadiniin isu abaabulay inay taladooda iyo aragtidooda ka muujiyaan siyaasadda guud ee dalka:
- Inay dalka ka jirto, guud ahaan, nabadgelyo taam ah. Taas oo muujinaysa in aanay jirin duruufaha ku xusan qod. 83aad iyo 42aad. Sidaa darteedna ay waajib tahay inay doorshooyinka Madaxweynaha iyo Golaha Wakiilladu ku dhacaan muddadii sharcigu u cayimay oo aaddan 26ka Juun 2015ka.
- Inay lama-gamaarmaan tahay in la qabto diiwaangelintii cod-bixiyaha muddadii loo qorsheeyey, sidii ay horeba uga wada heshiiyeen, saddexda Xisbi Qaran, Xukuumadda iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranku:
- Si loo xaqiijiyo inay dhacaan doorashooyin xor iyo xalaal ah,
- Si looga hor-tago inay soo noqdaan gol-daloolooyinka ka soo baxay doorashadii Dawladaha Hoose ee 2012kii.
- Inay lama huraan tahay in xulashada iyo ansixinta xubnaha Guddiga doorashooyinka qaranka la dhammays-tiro bilaha Ogost iyo sibtambar gudahooda, mar, haddii muddo-xileedkii Guddiqani ku eeg yahay 29ka oktoobar.
- Inay lagama-maarmaan tahay in wax laga beddelo qaabka iyo shuruudaha xulashada iyo magacaabista xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka:
- Qiijiyo Si loo hubiyo ama loo xaqiijiyo dhaxdhexadnimada Guddiga;
- Si loo abuuro duruufo dimuqraaddi ah oo ay u siman yihiin saddexda Xisbi Qaran ee doorashada ku tartamayaa.
- Haddiiba, ay dhacdo inay doorashooyinku xilligoodii ku qabsoomi waayaan:
- Inay eeddeeda yeelan doonto xukuumaddu, iyada oo ay waajibkeeda tahay inay qabato doorashada xilligeedii.
- Inay waajib noqon doonto in wixii ka dambeeya 26ka Juun 2015ka la dhiso xukuumad ku-meel gaadh ah, oo loo dhan yahay, waajibkeeda koowaadna yahay inay dalka ka qabato doorshooyin.
- In haddii, marka la gaadho 31ka Diisambar 2015ka, ay muuqato ama caddaato inaan dalka doorashooyinkii ka dhacayn xilligii loo qorsheeyey, waxa la bilaabi doonaa sidii looga hawl-geli lahaa abaabulka xukuumadda ku-meel-gaadhka ah ee kor ku xusan.
ALLAA MAHAD LEH
Waxaa wada saxeexay:
UCID WADDANI
- GUD. Faysal Cali Xuseen 1. GUD. Cabdiraxmaan M. Cabdilaahi
- Jamaal Cali Xuseen 2. Axmed Muumin Seed
- Cali Maxmed Yusuf (Guray) 3. Ibraahim Jamac Cali (Rayte)
MADASHA WADA-TASHIGA IYO TOOSINTA
- GUD. Xasan Guure Jamac
2. Maxamed Xaashi Cilmi
3. Ibrahim Cabdilaahi Xuseen (dhagaweyne)
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com