Labada Xiddig ee Reer France Ribery Iyo Benezma oo Lagu oogey dacwad Iney u Galmoodeen Gabadh Aan qaan gaadhin.(By Jaahuur)
Paris-23-Jan-2014-(SDN)Akhyaartay faaqidaadeena ciyaaraha waxaynu ku bidhaamineynaa labada xiddig ee reer France Ribery iyo Benzema una kala ciyaara Real Madrid iyo Bayern Munich ayaa la maxkamadeynayaa,markii lagu soo oogey iney u galmoodeen gabadh aan qaan gaadin oo lagu magacaabo Zahia Dehar,
Rebery oo 30-don jir ah kaalinta 3-na ka galeyna abaalmarinta Baloon d’Or iyo Benzema oo 26-tan jir ah ayaa circa ku laalay danbigaa lagu soo fiiqey.
Aalaaba waxaa dhaca iney gabdho ugaadhsadaan ciyaaryahanada aduunka ka xamaasha iyo shakhsigii lacag lehba si aay uga taajiraan.
Haddaba labadan laacib ayaan ka soo xaadirin Maxkamadda,laakiin waxay nasiib ku yeesheen iney matalaan qareenadooda.
Haddii aay ku cadaato danbigan loo haysto labadan xiddig waxay muteysan doonaan min 3-ex sannadood oo xadhig ah ama ganaax dhan $55,000 .
Haddaba Zahia Dehar oo haatan 21-an jir ah ayaa go’aan ku gaadhey kana go.antahay in ay gambadh ugu fadhiisato ilaa meesha aay maxkamadani iskugu soo biyo shubanto.
Fadeexado badan oo ka socdey waddanka France wiigaggii aynu soo dhaafney una janjeedhey siyaasiyiinta siiba madaxweynahooda ayaa haddana sii kicisey labadan laacib ee fadeexaddan loo haysto.
W/qorey Jaahuur
SDN