Labada Suudaan oo Adis Ababa loogu gar naqayo
Adis Ababa Mar 30,2012(SDN)-Dedaal la doonayo in lagu soo afjarayo colaada u dhaxaaysa dalalka Sodaan iyo Koonfurta Sodaan ayaa ka socda magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia .
Labada dal ayaa ku dagaalamay mandaqada saliida ku hodanka ah ee xuduuda ay wadagaan Ethiopia iyo Sudan , iyadoo labada dal u midba kan kale ku eedaynayo inuu bilaabay dagaalka .
Colaadan ka soo cusboonaatay labada dal ayaa waxay keentay war war laga qabo in dagaal rasmi ahi mar kale uu ka dhax qarxo.
Labadan dal ee dhawaanta kala dhaqaajiyay ayaa muranka u weyn ee u dhexeeya kolka taariikhdooda laga yimaado waxa ay tahay Shidaalka laga soo saaro Koonfurta ee laga dhoofin jiray Woqooyiga.
Koonfur Sudan ayaa joojisay dhawaan gebi ahaanba in Shidaalka ay ka dhoofiso Dekedaha Suudaan,taas oo ka cadheysiisay Khaartuum.
Adis Ababa