|

Labada Gudoomiye Ku Xigeen ee Xisbiga Kulmiye ee Garabka Isbahaysiga Kulmiye oo Dibada laga dhigay Xisbigaas

Hargaysa 10.April 2016 (SDN/QJ):- Labada Gudoomiye Ku Xigeen ee 2aad iyo 3aad ee Xisbiga Kulmiye Isla markaana ka Mid ahaa Garabka Isbahaysiga Dimuquraadi doonka ah ee Xisbiga Kulmiye ayaa Gebi ahaanba laga qaaday Xilkii iyo Xubin-nimadii Xisbiga Kulmiye.

Waabeeye-iyo-TalyanleSida lagu Sheegay Warsaxaafadeed uu ku Saxeexan Yahay Afhayneenka Xisbiga Kulmiye Xasan Gaafaadhi opo Nuqul ka mid ahi soo Gaadhay Shabakada Qurbejoog.com ayaa u dhignaa Sidan “Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE oo shir isugu yimi xalay, April 9, 2016, waxa ay dood iyo falanqayn ka galeen eedayn sharci jabin ka dhan ah Guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad iyo Guddoomiye-ku-xigeenka 3-aad ee xisbiga oo hore loogu gudbiyey.

 

Guddida Fulintu kadib markii ay arkeen Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada XL.14/2011, qodobka 2-aad, faqradiisa 4-aad, qodobka 9-aad, faqradiisa 5-aad, qodobka 10-aad, faqradiisa 3-aad iyo 4-aad, iyo qodobka 25-aad, faqradiisa t.

 

Guddida Fulintu kadib markii ay arkeen Dastuurka Xisbiga KULMIYE, qodobka 11-aad, faqradiisa 1-aad, qodobka 13-aad iyo qodobka 25-aad, waxay go’aan ku gaadheen:

 

  • In mudane Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, Guddoomiye-ku-xigeenkii 2-aad ee xisbiga KULMIYE uu lumiyey xilkii Guddoomiye-ku-xigeennimo ee xisbiga, xubinnimaddii Guddida Fulinta, tii golaha dhexe iyo xubinnimadii xisbiga intaba, kadib markii uu ku gafay xeerarka Qaranka iyo dastuurka xisbiga KULMIYE ee kor ku xusan.

 

  • In mudane Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, Guddoomiye-ku-xigeenkii 3-aad ee xisbiga KULMIYE uu lumiyey xilkii Guddoomiye-ku-xigeennimo ee xisbiga, xubinnimaddii Guddida Fulinta, tii golaha dhexe iyo xubinnimadii xisbiga intaba, kadib markii uu ku gafay xeerarka Qaranka iyo dastuurka xisbiga KULMIYE ee kor ku xusan.

 

 

Allaa Mahad Leh.

 

Comments are closed