Labada dugsi 17 May ee Hargeysa iyo Sheekh Cismaan Nuur Burco oo Tartan Aqooneed dhexmaray
Hargeysa April 26,2012(SDN)-Labada dugsi ee Todoba iyo Tobanka May ee hargaysa iyo Sh,Cismaan Nuur oo ku yaala magaalada burco ayaa maanta tartan aqooneed ku yeeshay xarunta dugsiga 17 may ee magaalada Hargaysa.
Tartan aqooneedkan oo si balaadhan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay maamulka, macalimiinta, ardayda iyo marti sharaf kale.
Tartan aqooneedkan ayaa natiijadiisu ku soo dhamaatay Lix dhibcood iyo Shan ay ku badiyeen dugsiga Sh,Cismaan Nuur waxaana lagu wadaa in wareega labaad ay labada dugsi ku yeeshaan xarunta magaalada burco ee uu ku yaalo dugsiga Sh,Cismaan Nuur .
Waxaa halkaasi ka hadlay Maamulaha dugsiga 17 May iyo mid ka mid ah Macalimiinta dugsiga Sh. Cismaan Nuur oo sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin in tartan aqooneedkani u qabsoomay kaas oo ujeedooyinka laga leeyahay ay ka mid tahay is barasho,isdhexgalka ardayda labada dugsi wax ka barata .
Geba gabadii waxaa halkaasi ka hadlay Mulkiilaha Guud ee dugsiyada 17ka May Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo u mahadceliyay macalimiinta iyo ardayda labadan dugsi oo muujiyay sida uu sheegay dadaal xoogan oo kor u qaadaya heerkooda aqooneed,Waxa uu xildhibaanku intaas ku daray in natiijada guusha ay ku dhawaaqi doonaan marka la isugu yimaado wareega labaad ee tartankan oo ka qabsoomi doona magaalada burco.
Dhinaca kale munaasibad lagu xusayay alle ha u naxariistee Yuusuf Ismaaciil Gaandi oo ka mid ahaa hal doorkii aqoonta Somaliland isla markaana shahaadooyin lagu gudoonsiinayay ardayda ku jirta fasalka 4aad dugsiga Gaandi ayaa maanta lagu qabtay hoolka Jaamacada Hargaysa .
Waxaa halkaasi ka hadlay Maamulaha dugsiga sare ee Gaandi oo ka waramay heerka aqooneed ee dugsigan iyo dadaalka looga baahan yahay ardaydu inay la timaado.
SDN-Hargeysa