Laba Xubnood oo ka mid ah Golaha Wasiiradda Somaliland oo Kormeer Wacyigelinta Diiwaangelinta ah ku soo Maray Deegaano ka Tirsan Gobolka Maroodijeex
Hargeysa, 16 May, 2016-(SDN/QJ) :– Qaar ka mid ah Wasiiradda ka soo jeeda Deegaanka Bariga,Galbeedka iyo Koonfurta Hargeysa Iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa Maalintii Khamiistii Kormeer Culus ugu baxay Goobaha ay ka socoto Diwaangalinta Kaadhka Codbixinta ee Magaaladda Hargeysa,iyagoo goob kasta oo ay soo mareen ka jeediyay Hadalo dhiirigalin leh oo ay dadka ugu sheegayaan Mihiimadda uu dadka iyo dalkaba u leeyahay Qaadashada kaadhka Codbixinta oo wali ka sii socota Gobolka Maroodi Jeex ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Mudane Xusseen Aadan Cige (Deyr),Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Mudane Axmed Faarax Caddare,Gudoomiyaha Kimishanka La dagaalanka Aidska Prof Cabdi Cali,Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye ee Gobolka Maroodi Jeex Khadar Cabdi Baadil iyo Masuuliyiin kale oo la socday Waftiga Wasiiradda ayaa Aroortii hore ee Khamiistii, ka hor intaanu furmin Shirka Khamiislaha ah ee Golalaha Wasiiradu waxa ay Kormeer balaadhan ku soo mareen Goobo badan oo ay ka socoto Diwaangalinta Qaadashada Kaadhka Codbixinta ee Gobolka Maroodi Jeex, gaar ahaan waxay soo mareen Goobo badan oo Ku dhex yaala Magaalada Hargeysa.
Ujeedada Kormeerkan wasiirada ayaa ku saabsanaa dar dargalinta Qaadashada Kaadhka Codbixinta oo bilawgii qaab gaabis ah uga bilaabantay Gobolka Maroodi jeex,waxa kale oo ay UJeedadoodu ahayd wax ka ogaanshiyaha sida ay dadku isku diwaangalinayaan iyo qaabka shaqada guud ahaan uga socoto Goobahaasi ay soo mareen.
Wasiiraddan ayaa goob kasta oo ay soo mareen,inta ay Gaadiidkii ay wateen ka degeen, si cilmiyaysan isha u marinayay qaabka ay u socoto Diwaangalintu,iyo sida ay Dadku isku diwaangalinayeen,waxa ay sidoo kale dadka u sheegayeen mihiimada uu Qaadashada Kaadhka Doorashadu u leeyahay Qaranka Somaliland iyo dadkaba,waxa kale oo ay Shaqaalaha goobaha ku adkaynayeen inay dar dargaliyaan Shaqada,islamarkaana dadka u fududeeyaan, soona dhaweeyaan Muwaadiniinta Kuyuuga ugu jira isdiwaangalinta qaadashada Kaadhka Codbixinta. Dadkii ku sugnaa Goobihii ay Wasiiraddani soo mareen ayaa si weyn ugu farxay Waftiga Wasiiradda Soo booqday ee u socday inay Dadkooda ku booriyaan Qaadashada Kaadhka Codbixinta waxa kale oo uu kormeerkaasi dar dargaliyay Shaqaalaha Goobaha oo iyaguna dhinacooda soo dhaweeyay Waftigaasi wasiiradu hogaaminayeen ee soo gaadhay.