|

Laba Xildhibaan oo Ka Mid ah Golaha Deegaanka ee Burco oo Shaaciyey inay Ka Baxeen Xisbiga Kulmiye oo ay ka Tirsanaayeen,Maxaa Ku Kelifay? DAAWO

Burco 04. April 2017 (SDN/QJ):- Wararka ka imanaya degmada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa sheegay in ay laba ka mid ah xildhibaanadii ka soo baxay xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ay shaaca ka qaadeen in ay gebi ahaanba iska casileen xisbiga KULMIYE.

Labadan xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Deegaanka degmada Burco ayaa magacyadoodana la kala yidhaahdaa C/risaaq Aar iyo Xildhibaan Maxamed Tuur-tuur.

Labadan xildhibaan ayaa ku sababeeyey ka bixitaankooda xisbiga KULMIYE ay kaga  baxeen in ay saluugeen qaabka wax loo wado isla markaana aan waxba laga weydiin deegaanadii laga soo doortey ee ay masuulka ka ahaayeen.

 

Dhanka kale waxay xukumada ku eedeeyeen in ay faro gelin qaawan ku hayso deegaanada ay ka soo jeedaan, ugu dambayn labadan xildhibaan oo warbaahinta kula hadlay Huteel City Plazza ee magaalada Burco in ay dhawaan ka tashan doonaan halka ay ku biriin doonaan cududoodii taageero ee ay la joogeen xisbiga Kulmiye.

Labadan xildhibaan oo shir jaraa’id ku qabtay Hotel City Plaza ee magaalada Burco Ayaan shaacin halka ay ku biiri doonaan mustaqbalka, iyaga oo xusay inay dib kasoo sheegi doonaan halka ay ku biirayaan iyaga iyo taageerayaashooduba.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka mas’uuliyiinta xisbiga KULMIYE.

Comments are closed