Laba Wiil Oo Walaalo Ah Oo Falastiiniyiin Ah Oo Maalin Kasta Cuna 200 Oo Xabo Oo Kinniin Ah!
Gaza 27. February 2017 (SDN/QJ):- Laba wiil oo magacyadooda la kala yidhaahdo Khaliil iyo Mohamed oo ku nool magaalada Gaza ee Dalka Falastiin ayaa waxa haya xannuun aad u yar oo ku dhaca Qanjidhada ka masuulka ah habsami u socodka macdanaha Calcium-ka iyo Phosphorus-ka ee jidhka waxa aanay arrintaasi ku kaliftay inay maalin walba cunnaan 200 oo xabo oo Kinniina oo isugu jira dawooyinka Calcium-ka iyo macdano kale oo badan.
Hooyada dhashay labadan wiil oo la yidhaa Faayilah Shamca ayaa waxay tidhi “Mid ka mid ah labadayba wiil haatan waxa uu ku jiraa dhakhtarka Al-shifa ee ku yaala magaalada Gaza kadib markii uu faalig ku dhacay waxaanay arrintaasi ku keentay in uu dhaqdhaqaaqi kari waayo, sidaa awgeed muddo 16 sanadood ah ayaan dhakhtarka kula noqnoqonayay, waxaanu xanuunkani ku dhacay wiilashan iyaga oo shan jir ah”.
Dr Mohamed Riyaad oo ah dhakhtarka gacanta ku haya xaalada caafimaad ee labadan wiil ayaa waxa uu yidhi “Waxa haysa dhibaato aad u xun waxaana aad ugu yar jidhkooda maaddada Calcium-ta halka ay kaga badan tahay maaddada Phosphorus-ku, taasoo ah dhibaato ay ku dhasheen, oo aan waxba laga qaban Karin run ahaantii waana xannuun aad iyo aad Dunida ugu yar”.
Sida ka cad hadalada Dhakhtarka ku haya xaalada caafimaad ee labadan walaalaha ah ayaa waxa ay tahay dhibaato ku gaar ah labadan wiil, isla markaana ay ku kaliftay in ay maalin walba cunnaan 200 oo xabo oo kinniina oo kala duwan.