Laba Weriye Iyo Laba Waraysi Faallo Cumar M.Faarax
Cawayskii 22/07/2013, waxaan daawaday oo ay indhahayga iyo dhegahayguba si fiirro leh uga bogteen laba waraysi oo ka kala baxay Telefishanadda UNIVERSAL iyo HCTV. Waxa labada waraysiba la soo geliyay youtube-ka, waxa ka sii kala xigtay oo soo daabacay ama geliyay qaar ka mid mareegaha internet-ka ee wararka laga daalacdo.
Labadaas waraysiba waxa labada Telefishan ay si gooni-gooni ah ula yeesheen Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ku laabtay dalka Maraykanka oo uu degan yahay. Waxa labada Telefishan-ba ay Aqoon-yahanka afka hodanka ku ah ay wax ka weydiiyeen socdaalkii uu ku yimid dalkiisa Hooyo oo uu muddo 26 maalmood ah socdaal dheer oo indho indhayn iyo daraasadayn ah ku soo gaalaa-bixiyay goboladda waaweyn ee dalka. Waxay ka waraysanayeen wixii uu soo arkay iyo aragtidiisa siyaasadeed ee socdaalkaas dal tabyadda ahaa ka dib.
Aan ku horreeyo waraysiga hore waxa la yeeshay Prof-ka muuq-baahiyaha UNIVERSAL, waxa waraysiga ka qaaday weriye magaciisa la yidhaahdo Sakariye Aadan, waxaanu socday muddo 36 daqiiqo ah, Suxufigaasi inkasta oo uu dhiirranaa isla markaana isku kalsoonaa, waxa haddana ka muuqatay u diyaar-garow la’aan, xog la’aan, taasi oo marinka seejinaysay.
Waxa uu ahaa mid aanay dhegahiisu u daloolin waxa la warsatuhu sheegayo, dhawr jeer ayaa intii waraysigu socday lagu yidhi “waanigii hore kaaga jawaabay arrintaas.” taas ah oo laf jab ku ah Weriyaha oo laga doonayo feejigo iyo inuu dhugto waxa uu qofka uu waraysanayaa sheegayo, si uu su’aal uga weydiiyo faah-faahinta xogaha ka soo baxaya qofka waraysiga laga qaadayo.
Waxayse u darnayd markii Weriyihii UNIVERSAL ee Prof. Samatar Waraysanayay lagala wareegay gabi ahaanba maamulkii waraysiga, isla markaana isagii la waraystay, taasi oo uu aqoon yahan Axmed Ismaaciil mihnadiisii saxaafadeed iyo aqoontiisa durugsan ku fashiliyay suxufi Sakariye Aadan.
Weriye Sakariye waxa laga raacay su’aal ahayd “Somaliland waxa ka jira cadaalad darradii aad Xamar ku sheegayso, waxa jira kuraasida dawladda waxa intooda badan gacanta ugu jiraan hal reer, magaalooyinkana qaarna waa la horu mariyay qaarna waxba looma qabto ee sidaad u aragtaa?.”
Axmed Ismaaciil waxa uu kaga hal celiyay “Somaliland goorma ayaa kuugu dambaysay? ma soo aragtay?,” markaas ayuu weriye Sakariyena inta uu yara fir ka naxay ku jawaabay “Haa.”, haddana waxa lagu soo celiyay su’aal kale oo ahayd “Miyaad wada aragtay” markaasi ayuu ku tiraabay “Maya.” Markaas ayuu qofkii daawadayba u yax-yaxayaa suxufigaas makarafoonkii martidiisii kala wareegtay.
Aan in yar dul istaago sida uu Prof. Samatar uga jawaabay su’aashii la xidhiidhay reer baa kuraasta Somaliland wada haysta, waxa uu yidhi “Somaliland sideed sanadood ayuu nin Samaroon ahi Madaxweyne ka ahaa oo waliba kaga guulaystay nin Isaaq ah oo inta uu sagaashan cod wax ka yar kaga helay ayaa mufaatiixdii loo dhiibay. Laakiin 53 sanadood Soomaaliya qof reer Somaliland ahi kama uu noqon Madaxweyne.”
Waraysigaas waxa ka muuqanaysay in la waraystuhu si walba uga gacan sareeyay weriyihii aan isagoon diyaar garoobin soo hor fadhiistay mid ka mid ah aqoon yahanada naadir ah ee qaniga ku ah afkiisa hooyo.
waraysiga kale ee ka baxay Telefishanka HCTV waxa Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ka qaaday Weriye Cali Cabdi Xaraare, waxaanu socday muddo 32 daqiiqo ah. Waxa suxufiga ka muuqday diyaar-garow baaxad leh oo aan malahayga is idhi waxay ka qaadatay dhawr maalmood si uu u noqdo waraysi saamayn yeesha oo xiise geliya daawadeyaashiisa.
Weriyuhu salaan ka dib, waxa daawadeyaashiisa tusayaa filim iyo muuqaal laga soo qaaday Axmed Ismaaciil Samatar oo 2-dii Bishii June ee la soo dhaafay, isagoo ka degaya gegooyinka diyaaradaha ee Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa. Waxa uu waraysigiisa ku furayaa sida uu u arko soo dhawayntii aan loo kala hadhin ee lagu qaabiley. Waxa uu haddana si kooban u soo saarayaa oo lagu yara hakanayaa muuqaaladii sidii loogu soo dhaweeyay magaalooyinka Gabiley, Boorame, Saylac, Berbera, Ceerigaabo iyo Burco.
Waraysigan Cali Xaraare waxa uu ahaa mid xog lagu raadinayo oo yool iyo qorshe loo dhigay. Waxa uu si taxanne ah oo is daba joog ah u weydiiyay su’aal kasta oo maan-gal ah oo maskaxdaada ku soo dhacaysa.
Waxa uu ku fur-furayaa warasiga dhawr su’aalood oo fudud oo ay ugu muhiimsanayd qoddobadii dhinacyadda bulshadda, dawladnimadda, cadaaladda iyo nolasha ee uu Prof-ku ku soo arkay goboladda Somaliland.
Waxa uu waraysiga badhtankiisa uu soo saarayaa muuqaalkii Prof. Samatar oo maraya Gabiley oo si weyn loogu soo dhaweeyay, hase yeeshee isagoo khudbadeynaya calanka Somaliland oo dusha loo saarayay iska tuuraya.
Markaas ayuu odhanayaa “sawirkaas ma garanaysaa, maxaad calankaa lagugu caleemo saarayay u diiday?.”
Prof. Samatar-na waxa uu dadweynaha ka jaahil tirayaa arrintaas waxaanu yidhi “Qof nool calan lama saaro, waxa calanka la saaraa marka uu qofku dhinto ee maydkiisu naxashka saaran yahay, laakiin dadkeenu arrintaasi ma fahamsana.”
“Maalin dambe ayaad dadka u sheegay inaanan calanka diidanayn ee ka warama iyadoo calanka lagu saaray oo uu dushaada saaran yahay haddii aad iska qososho ama wax aan macno lahayn-ba aad sheegayso,”ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.
Waxaan rajaynayaa in Weriye Sakariye dib isku daawado oo uu kaligii diirada saaro ga-daloolooyinkii uu muujiyay intii uu waraysigaas ku jiray, ka dibna daawado waraysiga kale ee saaxiibkii Cali Xaraare ka qaaday. Markaasi ayuu ka go’aan ka gaadhi doonaa waxa uu mustaqbalka yeelayo marka uu waraysi siyaasi ah oo noocan oo kale ah qaadayo. Labadan suxufi ee wadaaga mihnadda waxay soo kala saareen laba wax soo saar oo aan isku dhawayn, waxaan bogaadinayaa labadoodaba sababtoo ah waxay noo soo bandhigeen macluumaadka siyaasi iyo aqoon yahan indho-dheer aanu ku eegaynay.
Geesta kale, Waraysigan Prof-ka waxa uu ku cadeeyay mowqifkiisa Somaliland-nimo oo uu waliba muujiyay inuu aad ugu ad-adag yahay, maadaama oo uu gar-waaqsaday in Somaliland ay tahay meesha kaliya ee rajo horu-socod ahi ka jirto marka weynayso lagu eego wixii la isku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee burburtay.
Prof. Samatar waxa labadiisan waraysi iiga baxay inuu si dabiici ah dusha ugu ritay inuu noqdo looyarka koowaad ee caalamka ka difaacaya madax-banaanidda iyo qanimadda Somaliland. Waxa intii uu hadlayay ka muuqatay sida uu ugu soo muraaqooday dalkiisa hooyo oo uu tilmaamay in daabiyad kasta laga arkayo raadadkii dawladnimada oo aan iska yeel-yeel ahayn ee dhab ah.
Prof. Samatar waxa uu sheegay in la gaadhay ammintii uu dadkiisa reer Somaliland dhinac ka raaci lahaa, si uu ula ilaaliyo wanaaga iyo horumarka ay ku naaloonayaan isla markaana ka badhitaaro inay hayaanka iyo halgankooda adag halkaas ka sii balaysimaan.