Laba Wasiir oo Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland oo Casuumad la Isku Arkay u Sameeyay Weftiga Itoobiya DAAWO
Hargaysa 12.Dec 2015 (SDN/QJ):- Wasiirka caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye iyo wasiirka wasaaradda biyaha Baashe Cali Jaamac, ayaa qado sharaf ku maamuusay weftiga dawlad degaanka Soomaalida Ethiopia ka socda ee maalmihii u dambeeyay Hargeysa ku sugnaa. Kulanka qado sharafta ah oo ay wada jir u soo agaasimeen labada wasiir ee gobolada bariga Somaliland ka soo jeeda ayaa ujeedkiisu ahaa soo dhaweynta weftiga DDSI iyo isbarashada madaxda labada dhinac iyo dhiiri galinta is dhexgalka labada dhinac.