Laba Wasiir ku Xigeen oo Beeniyey in Wakaaladda Biyaha Berbera la Wareejinayo,eedaymana u soo Jeediyay Xisbiga Waddani DAAWO
Berbera 27. Sep 2015 (SDN/QJ)- Labada Wasiir ku Xigeen ee Wasaaradaha Xoolaha iyo Wershadaha Cali Gadh-dheer ( Cali Maxamad Cilmi) iyo Cali Dhagoole oo Ku Sugan Magaaladda Berbera oo ay ka Jirto Xiisad ka dhan ah Wareejinta haamaha Kaydka Shiidaalka ee Magaaladaasi ayaa beeniyey War ku saabsan in Wakaaladda Biyaha ee Magaalada Berbera lagu Wareejinayo Shirkado Gaar ah.
Dhinaca kale amuurtan ayaa sababtay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Habeenadii u danbeeyay inay Ciidamo ku sii daabushay Magaalo xeebeeda Berbera.