|

Laba Wasaaradood oo Difaacay Hay’ad la Sheegay inay Dalka ka Wado Siyaasad ka dhan ah Diinta Islaamka {DHAGAYSO}

Hargaysa 24.July (SDN) Wasaaradaha Shaqada iyo Arimaha Bulshada iyo  Cadaalada ayaa  si Wada jir ah u beeniyay war lagu daabacay warbaahinta Qaarkeed oo lagu Sheegay in Hay’ada CESVI ay Wado Sidii ay  dalka uga  Hirgelin lahayd Siyaasad ka Horimanaysa Diinta Islaamka, Waxayna Mas’uuliyiintani arrintaas ku Sifeeyeen  Been Abuurtay Cad.

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Maxmaed Muuse X, Cabdi “Galaydh” oo ay weheliyaan  Agaasimaha Waaxda Arimaha Bulshada Cabdi Cadbilahi ee Wasaaradas iyo Agaasimaha Xuquuqdada Dumarka iyo Caruurta Ee Wasaarada Cadaalada Axmed kayse  ayaa Warkaas ku Tilmaamay Mid wax lagu Yeelayo Sumcada Hay’adahan oo Wada Shaqayn Wanaagsan la leh Labadan Wasaaradood.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/BarnShaqo24(1).mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed