Laba Wasaaradood oo cadeeyay inay Iskaashi ka Yeelanayaan Joojinta Dhuxusha laga shito deegaamada Somaliland
Hargeysa, 16Feb 2015 (SDN/QJ)-Wasaaradaha Deegaanka,Macdanta iyo Tamarta iyo Ganacsiga,ayaa ka wada xaajoonaya qorshe lagu joojinayo isticmaalka Dhuxusha , islamarkaana loogaga guurayo Isticmaalka Shooladaha wax lagu karsado.
Wasiirada Wasaaradahaasi iyo Masuuliyiinta kale ayaa kulan ay shalay ku yeesheen xarunta wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga waxay kaga wada hadleen sidii wasaarad walba doorkeeda uga qaadan lahayd qorshahan ay waddo wasiiradda deegaanka Marwo Shukri Xaaji Baandare.
Ugu horen kulankaasi oo ka hadlay Wasiirka Macdanta iyo Tamarka Xuseen Cabdi Ducaale,ayaa sheegay inay Haboon tahay in Xaalufinta dhulka loo wajaho qaab dawladeed islamarkaana loo sameeyo Qorshe iyo siyaasad lagu bedelo “Arrintani waxay u baahan tahay in lagu soo jeediyo indhaha dalka oo la muujiyo hoostana laga xariiqo dhibka ka taagan iyo sidii dawladdu wax uga qaban lahayd, waxa weeye hawshan taalaa wasiirka deegaanka oo kaliya way ka baaxad wayn tahay, waxayna u baahan tahay in wasaarado badan oo dawladda ahi arrintan iska kaashadaan. Dawladduna samayso Inkaaniyad iyo Qorshe siyaasadeed oo arrintan wax lagaga qabto” ayuu yidhi Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale.
Sidoo kale, Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Miyiga Marwo Shukri ayaa sheegtay inay rajaynayaan in muddo kooban arrintan wax lagaga qabto “Maadaama Baarlamaankuna xeerkii Kaymaha soo saaray waxaynu maanta taagannahay kama dambeystii iyo in muddo lix bilood ah lagu soo afjaro isticmaalka dhuxusha . In Wasaaradda tamartu ka hawl gasho sidii loogu guuri lahaa dhuxusha ee ay u keeni lahayd Shooladihii ama wax allaale wixii bedelaya dhuxusha, iyo in wasaaradda Ganacsiga aanu marti uga nahay sidii ay haan lagu shubo ugu banyan lahaayeen Gaasta Faynuusyada, iyo sidii ay ugu hagar bixi lahaayeen dadkii keeni lahaa, si muddo 6 bilood ah loogu soo afjaro Isticmaalka dhuxusha, qunyar baa la guurayaaye ugu badnaana waxay noqon doontaa muddo sanad ah” ayay tidhi Wasiirka deegaanku.
Wasaaradda Deegaanka ayaa muddooyinkii u dammbeeyayba walaac ka muujinaysay Isticmaalka Dhuxusha oo halis badan ku haya deegaanka,siiba dhirka qoyan oo haatan la garaaco, hase ahaatee bulshada Magaalooyinka waaweyn ku nool ayaa shidashada dabka wax lagu kariyo u adeegsada Dhuxusha.