Laba wajiilenimada Saxaafada iyo Doodaha tartanka madaxtinimo ee Mareykanka
Washington Oct 13,2012(SDN)-Waxa habeenimadii xalay ahaa si xiiso dheeri ah loo daalacday dood dhexmartay musharixiinta xilka madaxweyne ku-xigeen ee xisbiyada Dimuqraadiga Joe Biden iyo Jamhuuriga Paul Ryan.
Dooadaha musharixiinta madaxweyne ku-xigeenada ayaan Mareykanka xiiso badan ka laheyn sababta oo ah dhana uma ridaan beretenka doorashada.
Balse doodii xalay ayaa xiiso gaar ah leheyd ka dib dood ay wadaageen madaxweynaha Mareykanka Barack Obama iyo musharaxa xilka madaxweynenimo ee xisbiga Jamhuuriga Mitt Romney loo muujiyay in Romney ku guuleystay.
Loo muujiyay,sababta oo ah Madaxweyne Obama ayaa doodii u horeysay ee sadex loo balansan yahay waxa uu uga qeybgalay sida madaxweyne,aayr ayuu sharxayay qodobada uu u arko wax ku oolka,ma uu weerareyn Romney,hadalka kama boobeyn,hadana saxaafadu waxa ay si weyn u baahineysaa in Obama la garaacay.
Halka ay iska indho tireyn in Romney aanu leheyn wax qabad lagu weeraro oo muuqda,ma jiro qorshe waadax ah oo lagala doodo,intaa waxa dheer in Mitt Romney uu dafiray dhamaan qodobo kooban oo uu hore u shaaciyay.
Qodobadaasi waxa ka mid ah in Romney damacsan yahay in uu canshuur dimid u sameeyo maalqabeenada,in uu cagta marin doono barnaamijka caafimaadka dadweynaha iyo qodobo kale oo fara badan.
Waxase taa isku fuuqsaday kolkii doodii xalay dhexmartay Joe Biden iyo Paul Ryan ay saxaafadu ku caanantay Biden habdhaqankii ay guusha ku siiyeen Romney.
Biden waa uu ka diiday in Ryan been ka sheego waxqabadkooda,isla markaana uu sawir qurux badan ka bixiyo qorsheyaasha xisbiga Jamhuuriga.
Si kastaba ha ahaatee saxaafada Mareykanka ayaa u muuqata in ay aad u xiiseyneyso in ay iibiso sawir muujinayay in tartanku adag yahay si kolkaa daawadeyaashu u bataan.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com