|

Laba Shirkadood oo Kuwa Isgaadhsiinta Somaliland ah oo Hawada ka saaray Shabakada Hadhwanaag,Shirkad ka Soo Noqotay Go’aankaas & Dhaleecaynta Daneeyayaasha Xuquuqul Iinsaanka

Hargaysa 04. January 2017 (SDN/QJ):- Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Somtel Iyo Somcable ayaa Xayiraad ku soo rogay Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com Kaas oo aan laga booqan Karin Gudaha Somaliland Inkasta oo Markii danbe Shirkada Somtel ay dhankeeda Xayiraadii Ka Qaaday Booqashada Websit-kaas.

 

Qoraal uu soo Saaray Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqul Iinsaanka Guleid Ahmed Jama ayaa Sheegay in Shabakadan loo Xayiray Kadib Markii ay faafisay in Ganacsade Maxamed Aw Siciid uu Hiil dhaqaale siiyo Xisbiga Kulmiye.

Qoraalka Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqul Iinsaanka ee Fadhigeedu Hargaysa yahay ayaa u dhignaa Sidan:-

Shirkadaha Somcable iyo Somtel ee bixiya adeegga interneetka ayaa xayiray shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews tan iyo 2dii January 2017. Hadhwanaag hada ma geli karaan dadka isticmaala interneetka Somcable iyo Somtel oo ah shirkado gaar loo leeyahay.

 

Hadhwanaag waxa la xayiray kadib markii ay daabacday war sheegaya in mulkiilaha Somcable, Mohamed Saed Guedi, inuu taageero dhaqaale siiyo xisbiga talada haya ee Kulmiye. Somcable waxaay Hadhwanaag u sheegtay inay warkaas ka saaraan bogooda.

 

In shirkad interneetka bixisaa ay xayirto warbaahin waxaay sii xumaynaysaa xaaladdda suxufiyiinta Somaliland oo marka horeba ku shaqeeya deegaan aan soo dhowaynayn. Waa arin aad looga walaaco in shirkadaha bixiya adeegga interneetku ay la saftaan dawladda si ay u cabudhiyaan saxaafadda.

 

Falka ay ku kacday Somcable waa mid aan la aqbali karin oo halis ku ah xorriyadda saxaaafadda. Xarunta Xuquuqal Insaanku si adag ayay u canbaaraynaysaa isku dayga ay Somcable ku doonayso inay gacanta ku dhigto wartebinta warbaahinta madaxa banaan. Xaq uma laha Somcable iyo Somtel inay sharciga gacantooda ku qaataan.

 

Dastuurka Somaliland wuxuu damanaad qaaday madax-banaanida saxaafadda wuxuuna mamnuucay wax kasta oo lagu cabudhinayo saxaafadda, sida ku cad qodobka 32aad ee dastuurka. Dastuurku wuxuu sidoo kale mamnuucay faro-gelinta xidhiidhada gaarka ah.

 

Xaruntu waxaay u soo jeedinaysaa Somcable iyo Somtel inay ka qaado Hadhwanaag xayiraadda oo ay joojiyaan faaf-reebka.

 

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeisa Somaliland

Email: hrcsomaliland@gmail.com

Press release

Privately owned internet providers block Hadhwanaagnews website

Two main private internet providers have blocked prominent news website in Somaliland since yesterday, 2nd January 2017. Hadhwanaagnews website media has been inaccessible to the users of Somcable and Somtel internets.

Hadhwanaagnews was blocked after it published news article claiming that the owner of Somcable, Mohamed Saed Guedi, provides financial support to the ruling party, Kulmiye. Somcable asked the website to remove the article.

“Internet provider blocking news website to silence it worsens the situation of Somaliland journalists who are already working in unfavorable environment. It is very concerning when internet providers side with the government in suppressing the critical voices,” says Guleid Ahmed Jama, the chairperson of Human Rights Centre.

“The actions of Somcable and Somtel are unacceptable and are threat to the freedom of expression. We condemn these attempts aimed to control the independent media coverage. The internet providers have no right to take the law in their hand,” he adds.

Somaliland constitution upholds freedom of press and prohibits any act that subjugates the media, as stipulated in article 32 of Somaliland constitution. The constitution also outlaws interference of private communications.

“Somcable and Somtel shall restore access to the blocked website and halt press censorship,” says Guleid.

Guleid Ahmed Jama

Chairperson of Human Rights Centre

Hargeisa Somaliland

Email: hrcsomaliland@gmail.com

Comments are closed