Laba Shariif iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo lagu eedeeyay inay Lacago lunsadeen
Nairobi July 14,2012(SDN)-Kooxda la socodkaSoomalaiya ee Qaamada Midoobey ah ayaa warbixin ay soo saartay uga hadashay arimo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen lacago ay dawlada KMG ah ee Soomaaliya ka heshay dalka Cumaan oo madaxda sare ee dalku lunsadeen.
Lacagahan oo Cumaan ay ku caawisay laamaha amniga ee dalka ayaan sidii ay ahyed aan loo isticmaalin.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in maamul goboleedka Puntland oo damacsanaa in laga hirgeliyo mashaariic dhanka amniga ah oo ay waday shirkada Sirecen la doonayay in lacagtan lagu maalgeliyo.
General Maxamed Sheekh oo dawlada KMG ahi arrintan u xilsaaratay ayaa kooxda la socodka xaalada Soomaaliya ee QM waxa uu u sheegay in lacagtaasi ay gacanta u gashay sadexda masuul ee kala ah Madaxweyne Sheekh shariif,guddoomiyaha Baarlamaanka oo xiligaa ahaa wasiirka Maaliyada iyo raiisul wasaarihii hore ee DFKMG ah Cumar Cabdirashiid.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in lacagta ay dawlada Cumaan Bixisay uu cadadkeedu ahaa 3 million oo dollar.
Warbixintani waxa ay wax u dhimi karataa damaca siyasadeed ee masuuliyiinta warbixinta lagu xusay in ay aduunkan lunsadeen.
Ma aha markii u horeysay ee warbixin noocan ah oo caalemi ahi ay tibaaxdo in DFKMG ahi ay masuuliyiin ka mid ahi lacago lunsadeen.
Laba bilood gudohood ayaa lagu wadaa in Soomaaliya loo dhiso dawlad aan kumeel gaar aheyn.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com