|

Laba Sano oo Khilaaf Dublamaasiyadeed oo Meel Xun Gaadhay u Dhexeeyay Sucuudiga Iyo Iran ayaa Wefti ka socda Sucuudigu Waxay Booqasho ku Tegayaan Magaaladda Tehran

Tehran 05. September 2017 (SDN/QJ):- Iiraan ayaa xaqiijisay wararka sheegaya in Wafdi ka socda Dowladda Sacuudiga ku soo wajahan yihiin magaalladda Tehran ee xarunta waddankaasi.

Socdaalkaasi ayaa imanaya wax ka yar 2 sanno, kadib, markii ay Dowladda Sacuudiga xidhiidhka u jartay Iiraan, sababo ku Lug leh weerarkii ay Dibadbaxayaasha u dhashay Iiraaan ku burburiyeen Safaaradda Sacuudiga ku lahaa magaaladda Tehran.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Iiraan, Bahram Qaasimi ayaa xaqiiyey socdaalka Wafdiga Sacuudiga oo booqan doona Iiraan, marka laga gudbo Munaasabadda maalmaha Ciiddul-adxa oo shalay la soo gebagebeynayo.

Wafdiga Sacuudiga ayaa booqan doonaan Dhismayaasha Diplomaasiyadeed ee Sacuudiga ku leeyihiin Iiraan.

Dowladda Sacuudiga waxay dalka Iiraan Xidhiidhka u jartay bishii Kowaad ee sanaddkii hore, kadib, markii Dibadbaxyo ka dhacay Safaaradooda ku taalla Iiraan iyo Qunsuliyadda magaalladda Mash-had, oo looga soo horjeeday go’aankii Sacuudiga ku dileen Sheekh Nimri Al-nimir

Xidhiidhka Diplomaasiyadeed waxaa kaloo xumeeyey Is-Jiidhkii Xujeyda ee labo sanno ka hor ka dhacday Deegaanka Mina oo u dhow Magaalladda Barakaysan ee Maka Al-mukarama, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen Kumanaan Xujey oo ay ku jireen boqolaal u dhashay dalka Iiraan.

 

Wafdi ka socda Dowladda Iiraan ay ayaa isna booqan doona Sacuudiga marka ay Wafdiga Sacuudiga dhamaystaan booqashadda ay ku tegi doonaan Iiraan sida ay qoreen warbaahinta Iran.

Comments are closed