|

Laba Raysal Wasaare oo Pakistan soo Maray oo Loo Haysto inay ka Danbeeyeen Dilka Haweenaydii Raysal Wasaaraha ka ahayd Pakistan

Karachi 05. September 2017 (SDN/QJ):- Raysal Wasaarihii Hore ee Pakistan Nawad Shariif ayaa sheegay inuu dalkiisa dib ugu laabanayo isla markaana uu ka jawaabi doono dacwad loo haysto oo ku saabsan Musuq maasuq iyo wax is daba marin.

Raysal wasaarihii hore ee Pakistan ayaa maxkamada Pakistan ee qaabilsan Argagixisadu u haystaa inuu kaalin ku lahaa dilkii haweenaydii dalkaasi uga ahayd Raysal wasaaraha Banasiir buuto.

Dhinaca kale Barvez Musharaf oo Masaafurin ku jooga dalka isu taga imaaraadka carabta ayaa gebi ahaanba ku gacan saydhay eedo ku wajahan inuu qayb ka ahaa khaarajintii haweenaydaas kuna tilmaamay been abuur.

Banasiir Buto ayaa shirqool dil ah lagu fuliyey sannadkii 2007.

Comments are closed