Laba Qof Oo Xalay Muqdisho siyaabo Kala Duwan Loogu Dilay Iyo Warbaahinta Oo Ged Cusub Bilowday
Muqdisho:Sep,05,2014(SDN/QJ)-Wararka saaka laga helayo magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in habeenkii xalay Halkaas lagu dilay Hal askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Somalia.
Askariga ayaa la sheegayaa in lagu dilay xaafadda Hodan, iyadoo dilkiisan ay geysteen Kooxo hubaysan oo goobta iska baxsaday.
Sidoo kale waxa Goobta isgoyska loo yaqaano xalay lagu dilay qof shacab ahaa, iyadoo aan la xaqiijin wali cidda dishay iyo sababta lagu badhtilmaameedsaday.
Wararka ayaa sheegaya in ruuxa labaad uu kamid ahaa dhalinyarada ka ciyaarta xafladaha aroosyada magaalada Muqdisho, kaas oo aan ku ahaa ciyaaraha qoob-ka-ciyaarka, isla-markaana si weyn looga jeclaa xafladaha la isku arko.
Hayadaha nabad sugida iyo booliska ayaan ka hadlin labada dilalkan xalay dhacay oo dadweynaha ku abuuray cabsi cusub.
Inta Badan warbaahinta magaalada muqdisho ka hawlgasha, gaar ahaan idaacadaha, ayaan iyagu baahin ilaa xalay dilalkan dhacay, waxana ay u muuqdaan qaar u hoggaansamay amar dhawaan nabadsugiddu soo saartay oo sheegayey inaan la sheegin wixii war ah ee nabadda ka dhan ah, amaba al-shabaab ku lug leedahay.
Shacabka magaalada ayaa bilaabay inay cabsadaan, maadaama habeen hore magaalada lagu weeraray madaafiic keenay dhimasho, isla-xalayna laba qof lagu dilay goobo kala duwan oo magaalada ka mid ah.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com