|

‘’Laba Nin oo Geel isku darsaday ayaa Markii ay isku afgaran waayaan kala Soocda,Hadii Dawladnimadii aynu isku darsanay aynu wada Dhaqan kari waynay Waxaan leeyahay Somalia halkiina Ilaahay ha idiin Barakeeyo’’ Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar DAAWO

Hargaysa 09. January 2018 (SDN/QJ):-Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo ka mid ah Madax dhaqameedka Waaweyn ee Somaliland ayaa Fariin waayeelnimo u diray Dawladda Somalia.

Suldaanka oo ka hadlayay Madal uu Xisbiga Waddani hadhiimo Sharafeed ugu Sameeyay Suldaan Bile Rafle Guuleed oo Xiligii taliskii Maxamed Siyaad bare ka talinayay Somaliland Xilal Gudoomiye Gobol ka soo qabtay deegaano door ah oo ka tirsan Somaliland .

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar waxa uu sheegay in dawlada Somalia ee Muqdisho fadhida ay ku mashquusho waxyaabo ku lidi ah Somaliland.

Comments are closed