Laba Nin oo damacsanaa in ay Qarxiyaan Tareen isaga goosha Canada iyo Mareykanka oo la qabtay
Toronto April 23,2013(SDN)-Ciidamada amaanka ee dalka Canada ayaa gacanta ku dhigay rag damacsanaa in ay qarxiyaan tareen isaga goosha Canada iyo Mareykanka.
Policeku ma sheegin goorta ragani damacsanaayeen in ay weerarka qaadaan waxase ay sheegeen in ragani ay mudaba qorshahan diyaarinayeen.
Labada nin ee gacanta lagu dhigay ayaan heysan dhalashada dalka Canada balse si sharci ah u jooga.
Ciidamada amaanka ee ragan ku daba jiray ayaa sheegay in ay gacan ka helayeen Al Qaacidada dalka Iran.
Ragan ayaa la sheegay qorshahoodu in aanu wax xiriira la laheyn qaraxyadii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Boston ee dalka Mareykanka.
Mareykanka oo qudhiisu dusha kala socday dhaqdhaqaaqyada ragan ayaa la sheegay in ay qudhoodu xiiseynayeen in ay ogaadaan cida qorshahan ku wehelisay ragan la qabtay.
SDN-Toronto
contact@somalidiasporanews.com