|

Laba Kaclaynta Khilaafka Ciidamada Punt land Iyo Madaxweyne Gaas oo Gaadhay in Laba Ciidan Qoryaha isla hor fadhiistaan

Garoowe 26.June 2015 (SDN/QJ)- Ciidammo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa ka gadooday ciidamada, kuwaasoo dibadda uga baxay magaalada Garoowe, iyadoo lasoo sheegayo inay deegaanno ka tirsan Gobolka Nugaal isku hor-fadhiyaan askar ka tirsan ciidamada Puntland.

qaska Punt landTaliye ku xigeenka Booliska Puntland Muxudiin Axmed Muuse oo ah Jananka ciidankan gadooday hogaaminaya ayaa BBC-da u sheegay in la duudsiyay xuquuqda Ciidanka “Sababta aan u Gadoodnay waa Xuquuq la’aan, Waayo Ciidamadan wax Mushahar ah may Qaadan muddo dheer, ciidamada qaarkoodna xuquuqdooda way helaan, marka taas ayaa keentay inaan gadoodno,” ayuu yidhi Sarkaalkaasi

 

Arrintan ayaa imanaysa maalmo kadib markii Ciidankani rasaas ka riday gudaha Garoowe,halkaasi oo ay isku hujuumeen ciidanka maamulka u hogaansan balse lama sheegin khasaare ka dhashay dhacdadaasi, aakhirkiina ciidankan ayaa magaalada dibadda uga baxay.

Taliyahan gadoodsan ayaa intaasi raaciyay “Ciidamada aan hoggaaminayo ee gadooday waa dhowr boqol oo askari, waxaana markii aan ka baxnay Garoowe dhibaatooyin kala duwan loo geystay xaasaskeenii, arrinta aan u gadoodnayna muddo ayaa laga wada-hadlayay heshiisna waa laga gaari waayay,”

Janankan ayaa ku dooday in isaga iyo saraakiisha kaleba xilka laga qaadi karo balse ay ka xun yihiin xuquuqdooda oo aan la siin iyo Ciidamo Cabdiwali Gaas  u sad buriyo.

Taliye ku xigeenka ayaa hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay in arrinta taagan ay go’aan ka gaari karaan waxgaradka iyo culummada Puntland, isagoo ku xusay hadal-kiisa in ciidamada uu hoggaaminayo uu muddo dheer xakameynayay si aanay u dhicin dhibaato.

Dhinca kale Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa arrintan ka jawaabay waxaanu sheegay in ciidankaasi iyo jananka wataa diideen amarka dawladda kana soo baxeen furrinta buuraha Al-shabaab ku sugan tahay. Waxa uu muranka la xidhiidhiyay saraakiil hore xilka looga qaaday oo Janankani taageersan yahay.

Ciidankaasi wuxuu ku jiray furrinta galgala, iyagoo halkaasi ku jira ayaa Sarkaal dawladda ka tirsan xilka laga qaaday, ninkaas xilka laga qaaday awgii ayuu furrintii cadowga buuraha galgala joogay u soo baneeyay, markaa ciidankaas ayuu gacanta ku hayaa waxayna ka amar qaadan waayeen dawladda” ayuu yidhi Wasiirka Amniga Puntland.

Garoowe SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed