Laba Ka Mid ah Ciidanka Ilaalada Nabadgelyada Waddooyinka Oo LLagu Toogtay Muqdisho
Muqdisho:July,05,2014(SDN/QJ)-Waxa Goor Dhaweyd Magaalada Muqdisho ee Xarunta Dalka Somalia lagu dilay Laba ka mid ah Ciidanka ilaalada waddooyinka oo ku jiray Hawl-maalmoodkoodii caadiga ahaa.
Niman ku hubeysan Bastoolado oo watay gaadhi yar ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen dilka labada askari ee ka tirsanaa ciidamada ilaalada Wadooyinka ee magaalada Muqdisho.
Dilka kadib ayaa waxaa goobta soo gaadhay ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo meesha ka qaaday meydka labada askari waxaana ay durba sameeyeen howlgalo baadhitaano ah oo dadkii dilka geystay lagu raadinayo.
Bilowgii Bisha Ramadaan ayaa Magaalada Muqdisho, waxaa lagu dilay laba kamid ah ciidamada ilaalada wadooyinka ee Taraafikada, kuwaasi oo ku sugnaa Waddada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.
Ammaanka Caasimada ayaa noqday mid faraha ka baxay, waxaana soo batay dilalka qorsheysan ee loo geysanayo ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiinta kale ee Dowladda ku jira.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com