|

“Laba Jeer Ayey Ku Guul-Daraysatay Xukuumaddu In Ay Qabato Ciyaarihii Gobolada, Markaa Doorasho Intaas Leegna ……” Axmed Xuquuq DAAWO

Hargaysa 15.October 2016 (SDN/QJ):-Guddoomiyihii hore ee Xuquuqal insaanka qaranka Somaliland Axmed Xuquuq oo maanta magaalada Hargeysa kula haddlayey warbaahinta ayaa muujiyey walaaca uu ka qabo in ay mar saddexaad dib u dhacdo doorashada Madaxtooyada ee lagu wado in ay qabsoonta horaanta sanadka soo socda ee 2017.

axmed-xuquuqMd Axmed Xuquuq ayaa sheegaya in uu walaac ka qabo dib- u-dhac ku yimaada doorashada Madaxtooyada”Doorashada haddii illaahay idmo loo balansan yahay ee Maxakamadagoor Distooriga ahi ay labada goor Mudaysay,ee u mudaysan 27 maaraj 2017, ayaan waxaan cbsi ka qabaa,markaan ifafaalaha maata taagan eegay in uu dib u dhaco,”Ayuu yidhi Axmed Xuquuq.

Ugu dambayntii Guddoomiyihii hore ee xuquuqal insaanka Axmed Xuquuq ayaa ugu baaqay bulshada reer somaliland in ay ka foojignadaan dib-u-dhac ku yimaada doorashada Madaxtooyada,isagoo sheegay in ay adagtahay xukuumadda labada jeer ku guul-daraysatay qabashada koobkii gobolada in ay adaghay sidii ay doorasho u qaban lahayd.”Markaa waxaan umada reer somaliland ugu baaqayaa in arintaas loo wada foojignaado, in meel looga soo wada jeesto,in heegan loo wadagalo sidii loo ilaalin lahaa,in doorashadaasi u dhacdo si xor ah oo xalaal ah wakhtigii ay Maxakamada Distooriga ah u mudaysay labada goor,waana wax aan la aqbali karin korarsiimo mar-saddexaad ah oo soo baxda,haddii ay taasi timaadona waxaan ku baaqayaa in umadda loo sameeyo dowlada doorashao gaadhsiisay oo ku meel gaadh ah,waayo waxaan ognahay dowlada maanta jirtaa,laba jeer ayey ku guul-daraysatay ciyaarihii gobolada, markaa doorasho intaas leegna sida ay ku qabanayso su’aal ayaa ka taagan,markaa waxaan haddalkii ku soo koobayaa dhinacyada ha laga wada istaago Mucaarad iyo muxaafid ,sidii doorashadaasi u noqon lahayd mid wakhtigeedii ugu qabsoonta si xor oo xalaal ah” Ayuu yidhi Axmed Xuquuq.

Comments are closed