Laba Dhallinyaro ah oo Caawa rag Hubaysani ku dileen Suuqa Xoolaha ee Muqdisho
Muqdisho 07.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wararka laga helaayo Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaaya in fiidnimadii caawa laba wiil oo dhalinyaro ah lagu dilay Xaafadaasi.
Dilka, ayaa wuxuu gaar ahaan ka dhacay wadada Cali Turcaaye, iyadoo sida la soo sheegaayo ay geysteen rag la socday gaari Kaarib ahaa, oo rasaas ku soo furay.
Dhagar qabayaasha waxay ku baxsadeen gaarigii ay la socdeen, lamana garanaayo waxa sababay dilka labada nin ee dhalinyarada, oo ka tirsanaa dhalinta Suuqa Xoolaha.
Nin degan Xaafada Suuqa Xoolaha, ayaa sheegaaya ilaa iyo hadda inaanay jirin cid sheegi karta waxa lagu dilay labada wiil, oo uu da’aadoodu ku kala sheegay 15 ilaa 18 sano in ay u dhaxeysay.
Saraakiisha Booliska, Nabad Suggida iyo Maamulka Degmada Heliwaa, ayaan dhankoodu ka hadlin labada qof ee caawa lagu dilay Degmadaasi.
Heliwaa waxay maalmahaan dambe ka soo kabaneysay dilal si joogto ah, ay kaga geysanayeen xubnaha lala xiriirinaayo in ay ka tirsan yihiin Ururka mayalka adag ee Al Shabaab.
Wixii ka dambeeyay bishii barakeysneyd ee Ramadaan, ayaa waxay xaalada amni ee Heliwaa u muuqatay mid ka soo rayneysay. (57)
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com