Laba Caruur ah Oo Ku Nafwaayey Biyo Xidheeno Ka Samaysmay Fatahaad uu Sameeyey Wabiga Shabeelle ee Magaalada Jowhar
Jowhar:Feb-2014(SDN)-Wararka Ka Imanaya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Laba Carruur ahi ku Dhimatay Biyo Xidheeno ka Samaysmay Fatahaado uu sameeyey Webiga Shabeele.
Carruurtan yar yar ayaa la Sheegay inay Ku Ciyaarayeen Biyahaas, ka dibna la Helay Maydkooda oo Halkaas Dhex Heehaabaya.
Caruurta geeriyootay oo da’dooda lagu kala sheegay 8 iyo 9 jir ayaa waxaa la sheegay in hooyadood oo degaankaas ku nool ay caagag u dhiibtay si ay biyo xidheenkaas biyo uga soo qaadaan.
Hase ahaatee intii biyo dhaamiska ku guda jireen ayaa waxaa biyo xidheenkaas uu qaaday mid ka mid ah caruurtaas oo ku dhacay god ka dhex sameysmay biyaha, iyadoo canugii labaad oo isku dayayay inuu badbaadiyo walaalkii ayna isna biyihii la tageen.
“Waxaa halkaas ku soo martay islaan tuulada degan iyagoo biyaha ku hafanaya waxay isku dayday iney soo badbaadiso hase ahaatee kuma guuleystan tuulada ayey u soo carartay, markii loo gurmadayna waxa loogu tegay iyagoo meyd ah oo biyaha dul sabeynaya” sidaas waxaa yidhi mid ka mid ah dadka degaanka Kongo oo saxaafada la hadlay.
Ku dhowaad 10 ruux oo isugu jira caruur iyo dad waaweyn ayaa ku dhimatay biyaha ka dhashay fatahaada webiga shabeelle ee fadhiya hareeraha magaalada Jowhar.
Dhibaatada ka Dhalata Fatahaada Wabiga ayaa ah Masiibo Culus oo dadka Deegaankaas dul taalla, waxana Geerida dadka Uu ku Keeno u raacda Dhibaatooyin Joogto ah oo Beeraha uu wabigaasi ku Hayo.
Lama Sheegin cid u gurmatay Dadka ubadkoodii ku waayey Biyo Xidheenadaas, mana jiraan ilaa iyo Haatan wax Tallaabo iyo tacsi ah oo Dawladdu ku Dhaqaaqday.
S.D.N