Laba Askari oo lagu dilay Magaalada Mandheera ee dalka Kenya
Mandheera 08.Sep 2013 (SDN)- Magaalada Mandheera ee gudaha wadanka Kiiniya waxaa xalay lagu toogtey laba askari oo ka tirsan ciidamada madaniga ah ee Magalaada Mandheera,waxaana la sheegaya inay dilkaasi fuliyeen kooxo bistoolado ku hubeysnaa oo la aaminsan yahay inay qayb ka yihiin dhibaatooyinka ka wadanka Kiiniya.
Kooxda dilka geysatey ayaa la shaacinaya inay ka baxsadeen goobta ay ka dilka ka fuliyeen,waxaana la aaminsan yahay inay u soo baxsadeen dhinaca gudaha wadanka Soomaaliya,waxaana la shaacinaya inay dilkaasi uu ahaa mid qorsheysan isla markaasna lagu beegsaday ciidamadaasi.
Saraakisha ciidamada dawlada kiiniya ee Magaalada Mandheera ayaa shaaca ka qaaday inay ku daba jiraan kooxda dilka fulisay isla markaasna ay doonayaan inay gacanta ku soo dhigaan kooxaha dilkaasi ka dambeeyey,waxaana wararku shaacinayaan in saaka ciidamada amaanku baaritaano ka samaynayaan xaafadaha Magaalada Mandheera.
Ugu dambeyntii Gobolka Waqooyi beri ee dalka Kiiniya,waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan ,afduub oo dhamantood lagu tuhmo inay ka dambeeyaan Xarakada Alshabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya,waxaana la sheegaya in dilkan ugu dambeyey la aamisan yahay inay ka dambeeyeen kooxda Alshabaab.
Mandheera SDN.
Qurbejoog.com