Laba Ardaa oo Dagaalo ku Dhex Mareen Degmada Xudun ee Gobolka Sool oo Maanta Hargaysa Heshiis Nabadeed ku Kala Saxeexday DAAWO
Hargaysa 09.July 2016 (SDN/QJ):- Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, xildhibaano iyo martisharaf kale ayaa Magaalada Hargaysa kaga qayb galay munaasabad ay maanta heshiis nabadeed ku kala saxiixdeen labo ardaa oo wada dega DegmadaXuddun ee Gobolka Sool, taasoo ka dhacday Xarunta wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta JSL.