|

“Lab Haween Ku Taagsaday, Legday Oo Ku Jiifoo, Ka Lib Doonay Ba’naa…” Cali Guray

cali GurayHargeysa,19Oct,2015(QJ/SDN)-Gudoomiye Ku-xigeenka 3-aad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID,MD. Cali Yuusuf (Cali-guray),ayaa ka hadlay gacan-ka-hadal maalintii shalay Magaaladda Berbera ku dhex-maray Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Saaxil Marwo Rooda Yaasiin,kaas oo ku sal lahaa wareejinta Haamaha keyda shidaalka ee Magaaladda Berbera oo ay Xukuumadda si qarsoodi ah u fasaxday.

Muj.Cali Guuray,ayaa hab-sugaaneed ku cabiray ficiladda Wasiirka uu ku tilmaamay qaar aan Ragga-nimo ku salaysnayn

“lab haween ku taagsaday legday oo ku jiifoo ka lib doonay ba’naa.

waar iga tag naagi dhaantay aniga wasiiro ha iigu sheegine may sidii saahid qamaan yidhaahdaan:

inaan malab rag kale loo shushubi wax uga meeleeyo

oo meeshana an taagnahay anoon murudna leefaynin

oon weliba muuniyo salaan ula maleegnaado

sedex magac alla eh xaajadaa layma maransiiyo”

 

Comments are closed