|

Laascaanood oo Si diiran loogu soo dhaweeyay Wiilkii Ku Guulaystay Tartankii Qur’aanka ee Xukuumadu qaban qaabisay

Laascaanood 28.July (SDN) Waxaa maanta Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool si Mug leh loogu soo dhaweeyay C.risaaq C.laahi Maxamed oo ah Wiilkii kaalinta 1aad ka Galay Tartankii Qur’aanka Kariimka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland soo qaban qaabiyay.

Soo dhawaynta ardaygan ayaa waxaa ka qayb qaatay madaxda laamaha dawlada,Culimaa-udiin,iyo Waxgaradka ku dhaqan Magaalada Laascaanood.

IMG_0559 IMG_0570Isu duwaha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee Gobolka Sool Sheekh Aadan Jaamac ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uga Mahadceliyay Agaasinka Tartankan Qur’aanka ee ay ka qayb qaadanayeen Gobolada Waaweyn,Waxaanu Xusay inay Gobol ahaan ku faraxsan Yihiin inay Kaalinta 1aad ka galeen isla markaana ku Guulaysteen abaalmarintii gaadhiga ahayd ee Tartankan uu Madaxweynuhu ku bixiyay.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Sheekh Siciiid Cadare oo soo dhaweeyay Talaabada ay Xukuumadu ku qabatay tartanka Qur’aanka iyo in Gobolka Sool uu hantiyay Kaalinta 1aad iyo hadyadii u qaalisanayd.

Laascaanood SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

 

Comments are closed